|

Baqdin Hor Leh oo ka Taagan Xarunta Itoobiya ee Addis ababa iyo Maraykanka oo Digniin ka Soo Saaray

Addis ababa 16.Oct 2014 (SDN/QJ)- Dawladda Mareykanka ayaa ka digtay in kooxda Islaamiyiinta Al-Shabaab ay qorsheynayaan in ay weerar ka fuliyaan caasimadda Itoobiya ee Addis Ababa.

War qoraal ah oo ka soo bAxay safaaradda mareykanka ee Itoobiya ayaa ka digay in Al-shabaab ay maleegayaan weerer ay ku qadaan degamda Bole oo ay ku yaalaan safaaradaha shisheeye iyo garoon caalami ah.

Ciidamada Itoobiya ayaa gudaha Soomaaliya kula dagaalamaya Al-shabaab iyga oo qeyb ka ah ciidamada midowga africa. Al-shabaab ayaa laga saaray dhammaan magaalooyinka waaweyn ee Soomaaliya inkastoo ay wali maamulaan dhul ballaaran oo u badan tuulooyin.

Magaaladii u dambeysay ee ka baxda gacanta Al-Shabaab ayaa waxa ay ahady magaalada Barawe, halkaasi oo xarun u ahayd inta badan madaxda kooxdani.

Xarunta Waddanka Itoobiya ee Addis ababa ayaa laga dareemayaa Hawl galo lagu adkaynayo Amaanka Guud ee Magaaladaasi iyo sidii Safaaradaha reer galbeedka amnigooda loo adkayn lahaa iyadoo Itoobiya ka baqo qabta Weeraro ay Alshabaab Gudaha dalkeeda ka fuliyaan.

Billowgii bishii September ayaa duqeymo uu mareykanka ka geystay gudaha Soomaaliya waxa uu ku dilay hoggaamiyihii Al-Shabaab Axmed Godane, waxaana ilaa iyo xilligaasi jiray cabsi ah in Al-Shabaab ay weerar ku qaado danaha mareykanka iyo waddamada kale ee xulufada la ah.

Addis Ababa SDN/QJ

contact@qurbejoog.com

 

Comments are closed