“Inuu dadkan wax u qabto ayay ahayd ilayn dadkan isagaa ilaa Qaaxo soo laayaye” Mujaahidiin Xaalado Caafimaad ka Cabanaya DAAWO
Hargaysa 16.Oct 2014 (SDN/QJ)- Qaar ka mid ah Mujaahidiintii ku naafowday Halgankii Dib u Xoraynta Waddanka ayaa dhaleecayn xoogan u soo jeediyay Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo iyagoo ku dooday inaanu sidii la rabay wax ugu qaban Mujaahidiintii ku naafoobay halgankii dib u xoraynta wadanka .
Koox dhakhaatiir Ajaanib ah ayaa Cisbitaalka Guud ee Hargaysa ka wada Hawl gal Qalliino loogu samaynayo Mujaahidiinta ay weli Xabaduhu ku jiraan jidhkooda.
Hargaysa SDN/QJ