Wasiirka Maaliyada Somaliland C/casiis Samaale Ayaa Sheegay Inay Xukumadu Kafalo Qaaday Kharashadkii Hayada Shaqalaha(CSI) Oo Ay Hore Hayad UNDP U Bixin Jirtay
Hargeisa 15/oc/2014(SDN/QJ)Wasiirka maaliyada Somaliland ayaa shaaca ka qaaday inay kafaalo qaadan doonto oo ay miisaaniyadda qaranka ee 2015-ka ku dartay dhaqaalaha lagu dabarayo machadka shaqaalaha dawladda ee CSI oo ay hore u maalgelin jirtay Hay’adda UNDP.
Wasiirka maaliyaddu waxa uu sheegay in Hay’adda UNDP ooh ore u taageeri jirtay machadkaasi ay xukuumadda isku af-garteen inay sannadkan 2014-ka wixii ka dambeeya ay si rasmi ah kharaashaadkiisa oo dhan dusha ugu qaadato dawladda Somaliland.
Machadka shaqaalaha dawladda waxaanu sannadka 2015-ka kharashaadka lagu maamulayo oo dhan ku darnay miisaaniyadda qaranka, markii Hay’adda UNDP oo maal-gelin jirtay ay sheegtay inay sii wadayso oo kaliya sannadkan aynu ku jirno ee 2014-ka. Waxaan ILAAHAY uga mahad naqaynaa in uu innagu guuleeyay inaynu miisaaniyadda qaranka ku darno machadkan oo loo aasaasay horumarinta xirfadda aqooneed ee shaqaalaha dawladda,”ayuu yidhi Wasiir Samaalle.
Wasiirka Maaliyada C/casiis Maxamed Samaale oo isna halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu hambalyeeyay ardaydan qalinjabisay waxaanu sheegay in ay ka wasaarad maaliyad ahaan ka warhayaan Machadka shaqaalaha dawladda, isaga oo xusay in miisaaniyadda 2015 ay ugu dari doonaan machadka shaqaalaha dawladda kharashaadka uu u baahan yahay.
Wasiirka maaliyaddu waxa kale oo uu sheegay in miisaaniyadda sanadka fooda innagu soo haya ee 2015 loo laban laabay kharashkii miisaaniyadda ugu jiray xarumaha agoomaha iyo jaamacadaha kala duwan ee dalka.
Md. Samaalle waxa uu sheegay in Somaliland ay ku faanayso inay iyadoo aan taageerro caalami ah oo buuran helin, haddana ay ku guulaysatay inay dakhliga kooban ee soo gala ay ku daboosho socodsiinta adeegyadda dawliga ah oo dhan.
Wasiirka Maaliyaddu waxa uu sheegay in 2015-ka ay miisaaniyadda ku jirto mashaariic horumarineed iyo wasaaraddo loo bineynayo dhismeyaal waaweyn oo ay ku shaqeeyaan.
Hargeisa SDN/QJ
Concat@Somaldiasporanews.com