|

Sir-doonka Somaliland

Rukunada qaran leeyahay waxa ugu mudan in uu leeyahay ciidan qaran, oo suga jiritaankiisa qaranimo, kana edbiya cid kasta oo u soo muhata in ay wax yeesho, habka iyo hanaanka ay doonto ha u soo martee, se waxa taas ka sii mudan in ciidanka iyo qarankuba ay leeyihiin indho ay ku dhugtaan, cida rabta in ay waxa yeesho qaranaka.

Waxa se meesha taal oo in ay ogaato ay tahay cida hawshan haysaa, waa in ay yihiin indhaha lagu eego cadawga qaranka, ee aanay ahay indhaha lagu eego bulshada qaranka, waayo hadii uu sidaas noqdo maaha sir-doon qaran ee waa sir-doon kursi, oo waxa uu ku dambeeyana waa in uu bulshadiisa dhufaano, oo uu ka saaro xiniinyaha ay ku ilaashanayaan xaqooda iyo waxa ay garta u leeyihiin, taasana waa in uu ka fogaada sir-doonka Somaliland.

Hadaba aniga oo ka duulaya taas waxa aan halkan si baaladhan aan ugu soo ban dhigaya habaka iyo hanaanka ugu haboon ee uu u shaqayn karo sir-doonka somalilanda, aniga oo xogta aan ogahay ka duulaya, se wixii nabada iyo xasiloonida qaranka waxa u dhimaaya aan sheegayn, taasina maaha gabasho, ee waxa qof kasta oo qaranakiisa jecel ku waajiba in uu qariyo xogta, wax yeelaysa qarankiisa ee dib loogu soo adeegsan karo, ama isku duubnida iyo daganaanta guud ee qaranka waxa yeelaysa, taasina waa mid qormadani aanay baal-marayn, ee ay si dhaba u dhaadayso, waxana ay ku bilaabmaysaa sidan.

  1. Sir-doon habkee ugu haboon ee loo dhisaa?
  2. Sir-doonka somaliland yuu xidhiidh la leeyahay?

     

  1. Sir-doon habkee ugu haboon ee loo dhisaa?

Waa weydiin mudan oo ay tahay in hadii sir-doon yahay inadhaha qaran ku dhawro, cida waxa ay kaga maqan yihin, waa in weydintan si dhaba looga war-celiyaa, iyada oo aqoon iyo xeeladaha ku haboon loo maraayo, hadaba sida ugu haboon ee ay tahay in sir-doonka Somaliland loo dhisaa waa in uu noqdaa habkan.

1-waaxda xog-uruurinta ( departiman of  information )

Waaxdani waa waax ka mida kuwa ugu mudan, oo ah waaxda xog-doonka iyo xuuraanka, oo ah dhagta, soo uruurinaysa xogta loo baahan yahay, iyada oo aan dhib u gaysan isha ay xogta ka helayso, una qarsoon tahay dhagta xogtan u keenaysa, waxana ay xogta ku shubaysa xarunta dhexe ee sir-doonka qaranka, iyada oo hab iyo hanaan ay isla garanayaana loo  kala helaaya xogta, waxana aad u mudan marka xogtan la guraayo, in dhamaan cida xogta looga baahan yahay aan la dhibin, ee si dagan oo aan la dareen-siin looga gurto xogta, waxana mudan oo kale in isha xogtan laga helaayo, la ogaado cida ku xidhan, halka uu dhaqaalaha ka helaayo, inta uu dhan yahay dhaqaalaha uu helaayo, halka uu ka socdo, cida hawsha la wada, waxa ay tahay hawsha ay rabaan, meesha ay raban in ay hawsha ka fuliyaan, waa meel nooceeya? Hawshu waa maxay? Ma mid dhaqaale baa mise waa mid nabad-galyo, mise waa mid ay wax ku yeelayaan sumacada qarankaa, mise waa mid ay rabaan in ay ku xumeeyaan xidhiidhka qarankeenu la leeyahay qaran kale, mise waa xog ciidan, mise waa mid lagu beegsanaayo dadka mudan ee bulshadeena ka midka ah.

Dhamaan xogtaas oo dhan oo si hufan u haadsan waa in xarunta dhexe lagu soo shubo, iyada oo hawsha, si gaara, agab gaara iyo goob gaara lagu kala wareejisanaayo, waxa kale oo iyaduna meesha taal in si dhaba, oo haadsan loogu gudbiyo meesha iyo cida ay hawshani ku socoto, iyada oo ugu horayn madaxweynaha loo gudbinaayo, si uu u ogaado halka iyo ujeedada ay xambaarsan tahay hawshani.

Mida kale waxa aad u haboon in cida hawshan dhago dhagaynta ah loo dirsanaayo in la ogaaddo, oo aad loo hubiyo, oo aan cid walba loo dirsan, ee ay tahay cid lagu kalsoon yahay oo hawshan u qalanata, mida kale waa in qofka dhagta ah la baro habka uu hawsha u gudanaayo, waxana aan taas ku faah faahin doona qodobka afraad ee hoos ku qoran.

2-waaxda hawl-galada (departiman of operation )

Waaxdani waa mida hawl-fulinta, ee xogtaas ka dhigaysa hawl la qabto, marka ay u dhamaato dhamaan wixii looga baahnaa oo dhami, hawsha ay qabanayaana waa laba qaybood.

@ in ay soo xidhaan cida ay ay daba socdaan, waxana ay tani suurta gal tahay oo ay fududahay marka cida haawsha lagu fulinaya ay joogto ciida somaliland, ama ay gacanta ugu jirto qaran ay Somaliland wada leeyihin is-dhaafsi noocan oo kale ah, ama dhul ay fududahay in si fudud looga so oaf-duubto, iyada oo qarankaas kale ee laga so oaf-duubtay aan la dareensiinayn, lagana xog-qarsanaayo.

@ in cida la daba socdo la dilo, oo gabi ahaanba jirida loo siibo, se habkani waa hab aad u adag, oo ka hawl iyo fulinba adaga kaas koobada ee ah soo-xidhida, waanu ka halis badan yahay, waxana ugu mudan oo qofka la daba socdo loo dili karaa waa shantan hab mid ka mida, iyada oo lagu fulinaayo cida la beegsanaayo, hadba ka ku haboon, ee sida ugu fudud loogu fulin karo, iyada oo xaalad kasta loo marayo mida ku haboon.

1-toos u dilid                        ( direct killing )                 ( اغتيال مباشر  )

Waxana weeyi habkani in dilka toos loo fuliyo, iyada oo loo adeegsanaayo hubka fudud sida baastoolada ama tooray, habkani waa hab gaboobay oo laga baxay, waxana weeyi habkii ay ku bilaaban tay hawsha dilidu, inta badana waxa habkan loo adeegsadaa in ay fuliyaan dadka aanu xiskoodu dhamayn (waal waalan ), maxaa yeelay markasta waxa la qarinaya waa in ay fuliyeen sir-doonku, si hadhaw si fudud loo dabooli karo, dhacdada, hadii lagu soo eedeeyo in sir-doonku ka dambeeyayna, loo difaaci karo, oo aanay cida wax tirsanaysa u heli Karin cadayno ay ku sheegtaan in sir-doonku ka dambeeyay fulinta hawshan.

2-hab shil                                 ( accident )                             حدث  )

Habkani waa hab loo ekaysiinayo in qofka la beegsanaya ku dhintay shil, waxana ugu caansan habkan in xubinta la beegsanayo lagu dilo shil gaadhi, waana mid ka mida hababka ugu halista badan, ee lagu raad gato, iyada oo hawsha la rabana sideeda loo fulinaayo, waxana loo fuliya in gaadhiga qofka la beegsanaayo lagu dhufto gaadhi kale, ama gaadhiga uu wato laga tuuro jar, waxana fulinta habkani isgu soo biyo shubmaysa, waa in hawsha la fuliayay loo ekaysiiyo in qofka la beegsanaya ku dhintay shil, ee aanay jirin cid toos u beegsatay, oo loo waayo cid hawsha fulisay.

3-sumayn                          ( poisoning )                              (تسميم  )

Habkani waa hab xubinta la beegsanaayo lagu dilaayo, sun iyada oo loogu darayo cabitaanka ama cuntada, habkini waa ka ugu fudud ee xubinta lagu beegsanaayo, lagu dilo, waxa kaliya oo ay u baahan tahay in mudo badan loo dhaxaysiiyo marka suntan qofka la siinayo, iyo marka uu suntan qaadanayo, si aan loo ogaan cida sumaysay xubinta la beegsanayo, waxa kale oo habkan hada ku soo biiray, in hawada loo raaciyo suntan, oo ah mida inta badan ay adeegsadan sir-doonadu, waxana ay si dhaba u qarinaysa cida hawshan ka dambaysa, ee fulisay.

4-is-dilid                             ( suicide )                           (انتحار   )

Habkani waa hab loo ekaysiinayo in xubinta la beegsanayay ay iyadu is-dishay, waxana habkan loo fuliya in xunta la daldalo, ama meel laga soo tuuro, ama biyo barkada lagu rido, waana hab ka mida hababka lagu raad-gato, iyada oo gabi ahaanba hawsha loo ekaysiinayo in xubinta la beegsanayay ay iyadu aakhiro isku dirtay, habkani waa hab ka mida hababka gaboobay, se waxa uu ku haboon yahay hadi loo baahdo, oo ay timaado dhacdo u baahan in sidan loo fuliyo, se waxa uu u baahan yahay in xubinta la beegsanayo loogu yimaado iyada oo wixi ay isku dishay gacanta uu ugu jiro hadii ay tahay baastoolada ama tooray, hadii ay is-daldashayna waa in loogu yimaado xadhiga oo qoorta ugu jira.

5-geeri caadiga ah                    ( natural death )                  (  الموت الطبيعي   )

Habkani waa habka ugu halista badan , fulintiisuna waxa ay u baahan tahay in ay fuliyaan dad badan, waxana inta badan laga fuliya goobaha la seexdo, sida hudheelada, guryaha, waxana loo ekaysinaya in xubinta la beegsanayay ay si caadiya isaga dhimatay, oo aanay cidi geerida u keenin, habkani waa habka lagu fuliyo cida aan joogin gudaha, wadanka, fulintiisuna waxa ay u baahan tahay dad badan, waxan loo fuliya habkan, in xubinta naqaska lagu xidho, sidaasna lagu dilo, hadhawna , xuntinta sidii qof hurada oo hurdadii ka soo laaban waayay loo ekaysiiyo.

Shantaas qaab baa ugu haboon oo xubinta la beegsanayo, lagu socodsiin karaa, iyada oo ay markasta aad u mudan tahay in habka ku haboon lagu fuliyo xubinta la beegsanayo, waxana aad u sii mudan in aan la ogaan, cida iyo habka hawsha loo fuliyay, waayo waxa ugu dambeeya ee loo baahan yahay waa in aan la garan cida fulisay hawshan, taas weeyi ujeedada dhabta ah, ee hababkan loo raacaya.

Waxa kale oo iyaduna aad u mudan in mid kasta u baahan yahay, fulin, waxana meesha taal in sir-doonku yeesho cid hawshan u tobabaran, oo marka loo baahdo fulintiisa, u fulisa habka ugu haboon, iyada oo inta aan la guda-galin fulintiisa, si hufan oo haadsan loo baadhayo, loona fuliyo hab qorshaysan oo leh mudo lagu fuliyo iyo hab dhan oo loo fuliyo.

Hadaba waxa inala gashay waaxda hawl-fulintee, waxa haboon oo iyaduna meesha taal in sir-doonkeenu yeesho, laba qaybood, oo aan hal hayad hawsha sir-doonka oo dhan aan dusha laga saarin, maxaa yeelay hawshu waa mid culus, oo u baahan in sida ay isku raaci karaaan la isku raaciyo, hadaba maxaa haboon?

Sida ay u dhaqmaan qaramada dunidu waxa ay leeyihiin laba hayadood oo kala madax-banaan, se uu ka dhexeeyo iskaashi xog-wadaag, mid kastana ay ku garab siinayso, mida kale waxa ay uga baahato, iyada oo ay leeyihin hab iyo qaab labadooda u gaara oo ay xogta ku wadaagan, kuna wada shaqeeyaan, wa oo kala ah:-

  1. hayada sir-doonka gudaha, oo hawsheeda oo dhami tahay in ay xuuraanto oo dhagadhagayso, xogta laga heli karo qaranka gudihiisa, waana in ay ka shaqayso, gudaha Somaliland oo kaliya.
  2. hayada sir-doonka dibada, oo iyaduna u xil-saaran soo xuuraanka iyo dhagadhagaynta xogta ka baxsan, gudaha Somaliland, waana habka ugu haboon, ee uguna fudud, ee loo kala saari karo, raadinta xogta.

3-waaxda buunbuuninta (departiman of  poropaganda )

Waaxdani waa waaxda u taagan in sir-doonka qaranku yahay kana an cidi dhaafi Karin, ee goobkasta iyo xog kasta ka war-hay, taasina waxa ay u taagan tahay in cadawga ay niyada ka jabiso, oo ay adkaato in ay ku soo dhiiradaan.

Waxase ay hawshan fulinteedu leedahay, hab iyo qaab loo fuliyo iyada oo la raacayo, qorshe mudaysan ( road map ), kaas oo si hufan u kala qeexaya, hadba sida hawsha loo galaayo iyo waxa xiga hawshan hada dhamaatay, waxana ugu mudan in aad loo ogaado, in sida iyo habka loo fulinaya ay noqoto mid aan ku soo laaban sir-doonka qaranka.

Habkani waa mid u baahan in aan bal-balaadhiyo, se waxa aan idin xasuusinaya in aan bilawgii qormada aan ku sheegay, in wixii sir-qaran ah aan dhaafayo, tana halkaas baan ku daynaya, waxana ugu weyn in aad si dhawrid leh aad u qarisid xogta aad qarankaaga u hayso, inta ay doonto ha noqotee.

4-dugsiga lagu barto xog-doonimada  (school of learnig intelligence)

Midanina waxa ay u taagan tahay, hadii uu yahay habka xogta loo doonaa, aqoon iyo kasmo la barto, in cida hawshaas loo diraayo, la baro, habka iyo qaabka ay xogta u keenayaan, iyo xogta la keenaya ta ay tahay, waxa kale oo intaas raacana waa in ay tahay waxa ay u taagan yihiin, ee ay tahay in ay dhawraan iyaga oo gudanaya hawsha ay u hayaan qaranakeena.

Waxa kale oo iyaduna meesha taal, oo ah tii aan ku bilaabay qormadan, in la baro cida ay raadsanayaan cida ay tahay, waxa ay u raadsanayaan, iyo waxa ay ka raadinayaan, taas oo bulshada u ah damaanad iyo in aan xoogaas aan loo adeegsanayn iyaga, ee waxa uu u taagan yahay ay tahay dhawridooda iyo sugida xasiloonidooda, oo u taagan mida nabadeed, dhaqaale, siyaasadeed iyo daneed intaba.

Waxa kale oo aan halkan u daraya in hayada sir-doonka qaranku, ay samayso ( national intelligence strategy ) oo wax weyn ka taraysa habka iyo hanaanka loo maamulaayo, sir-doonka qaranka, qeexaysana dhamaan waxa uu u taagan yahay,

  1. Sir-doonka somaliland yuu xidhiidh la leeyahay?

Weydiintani waxa ay ka mid tahay wixii aan ka gaabsaday, se waxa aan si guud mara aan u sheegi aniga oo xogta dhabta ah ee aan ka hay weydiintan, aan sheegay, dhar meelood oo ay si dhaba u xidhiidhaan sir-doonka Somaliland waxana ugu weyn

  1. MI6

Hayadani waa mida u xil-saaran Ingiriiska in ay xogta u doonta, sida aad wada ogtihiina, waxa uu Ingiriisku leeyahay, laba hayadood oo kala ah:-

@ MI6 oo u taagan in sirta ka baxsan gudaha Ingiriiska ay soo xuuraanto

@  MI5 oo iyaduna u taagan in ay soo dhagadhagayso sirta gudaha ingiriiska

Waxana ay labadan hayadoodaba yihiin, mid ay si xooga u wada shaqeeyaan, oo aad moodaba in ay isku yihiin taban taabay laba gacmood tamar ky yeeshaan hadii midigtu kali tahay tahan sooma goyseen, iyada intaas baan ku dhaafay.

  1. CIA

Inta baadan xidhiidh toosa, ma laha se waxa aad, hada u soo badanayaa, intii ka dambaysay 2010kii in xidhiidh toosi uu dhex maro, sir=doonka Somaliland iyo kan Maraykanka, waxana uu u badan yahay, wadaagu wixii la xidhiidha argagixisada, waxana ugu mudan dhacdooyinkaas xidhiidh, soo dayntii labadii nine e u dhashay Somaliland, eek u xidhnaan guwaantanaamo, oo ay Somaliland damaanad qaaday in ay hawshooda la wareegto, kana ay nastaan labadan qof.

 

  1. Sir-doonka Itoobiya

In badan ayaa moodaysa in xidhiidh wacani ka dhexeeyo, labada sir-doon, se dhabtu waxa ay tahay iyada oo uu ka dhexeeyo, xidhiidh sir=wadaag, se hadana waxa jirta, in ay kala xog qarsadaan, oo aanay sida kuwaas hore aanay u wadaagin, sirta, taasina waxa aay ka soo bilaaban tahay intii ay labadaas hayadood ee kala ah MI6 iyo CIA daba ay isku xidheen sir-doonka Somaliland, taasina waxa marag u ah dhacdadii ka dhacday gabilay, ee lagu xidhay 3qof ee ka tirsanaa sir-doonka itoobiya.

Se waxa jirta in ay jiraan xidhiidh xog-waada, oo u dhexeeya labada sir-doon, oo aanay cidi diidi Karin, in uu jiro.

  1. Hayadaha kale ee ay xidhiidhka leeyihin sir-doonka Somaliland

Waxa kale oo iyaduna jirta, in ay jiraan hayado kale oo sir-doon oo ay xidhiidh toosa iyo mid qarsoodiyaba ay leeyihin, sir-doonka Somaliland, se kuwaas hore waa ka yar yahay wadaaga sirtu, waxana kuwaas ka mida:-

@ sir-doonka jabuutu

@ sir-doonka keenya

@ sir-doonka faransiiska

@ sir-doonka yementa

Se waxa aan si gaara u cadaynayaa in aanu ahaym xidhiidh joogto ah, ee uu yahay dhacdooyin si kadisa u soo kala galay, oo keensanaya in ay xog ka qabyo ah ay kala qabyo-tirtaan, se joogto maaha sida kuwaas aan kor ku soo sheegay.

Waxana aan ku soo xidhay qormadan oo aan ogahay in ay xanaf iyo xagasho badan dhalin doonta, in aan si balaadhan aan u cadeeyo in aanay cid gaara ku socon, ee ay tahay mid ua deegaysa kobcinta hawsha ay qaranka u hayaan sir-doonka qaranku, taasina waa wax ku waajiba qof kasta oo u dhashay bulshadeena Somaliland in waxa aqoon iyo kasmo uu hayo uu ugu deeqo qarankiisa.

 

                            Qalinkii  Garyaqaan Cabdale Dahir Adan

                                          Bartay Aqoontaka Xeerarka

                                                    14/10/2014

Comments are closed