|

Wargeys Soo Bandhigay Sawir Yaab Geliyey Maskaxda Akhrisyaashiisa

London:Oct,15,2014(SDN/QJ)-Daily Mirror oo kamid ah Wargeysyada ugu caansan Dalka Britain ayaa soo bandhigay sawir yaab badan oo akhristayaashiisu si weyn ula tacajabeen.

seoeSheekada uu soo bandhigay Wargesyska ayaa tilmaamaysa inaan 96 sano ka badan la taaban sariir uu ka geeriyooday askari u dhashay dalka Faransiiska.

Askarigan oo lagu magacaabi jiray Hubert Rochereau ayaa la sheegay in Xabad lagu dhuftay xilli uu ka qayb qaadanayay dagaalkii Aduunka.

Malaayiin qof oo ka mid ah akhristayaasha Wargeyskaas ayaa arin qariib ah ku tilmaamay sawirka Sariirtaani, waxana si weyn looga Hadal hayaa gebi ahaanba dalka Britain iyo meelaha kale ee Wargeysku Gaadho.

Faahfaahin lagama bixin sababta keentay in sariirtaas aan muddada intaas le’eg la taaban, balse kaliya waxa uu wargeysku akhristayaashiisa usoo bandhigay inuu arrintaasi soo xaqiijiyey.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

 

Comments are closed