|

Dadkii Dhawaan Lagu Afduubtay Gudaha Kenya Oo Xorriyadoodii Dib u Helay

Dhooblay:Oct,15,2014(SDN/QJ)-Shan qof oo ka u dhashay dalka Kenya, isla-markaana dhawaan Kooxo Hubaysani ka Afduubteen Gudaha Dalka Kenya, ayaa la xaqiijiyey inay dib xorriyadoodii u heleen.

laba iyo5-ta qof ayaa waxa ay sarakiisha laamaha amaanka sheegeen in iminka ay gacanta ku hayaan militiriga dalkani Kenya ee ku sugan magalada Dhoobley, balse war sax ahi kama soo bixin Hannaanka ay gacanta militeriga kusoo galeen

Ku xigeenka taliyaha guud ee booliiska Samwel araaji ayaa wargayska Standandard u sheegay  in 5 qof ee Kenyanka ah la siidaayay hasa yeeshee waxa uu diiday in uu faahfaahin ka bixiyo qaabka lagu siidaayay. .

Mr Araaji aya xusay in 5ta qof ee Kenyanka lagu siidaayay magalada Qooqaani oo ay saldhig ku leeyihiin militiriga dalkani Kenya.

5-ta qof ee Kenyanka ayaa waxa jimcihii ka afduubtay Gobolka Lamu  rag hubaysan oo looga shakisan yahay in ay Al Shabab ka tirsan yihiin .

Ma cada ilaa iyo iminka sida ay ragani uga talaabeen xadka Kenya iyo Soomaaliya halkaasi oo militiri Kenya ay si aad ah u ilaaliyaan .

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed