War Degdeg: Shirguddoonka Guurtida Oo Hakiyey Xeerka Diiwaangelinta Madaniga ah iyo Codbixiyayaasha, Fasax Dheerna Gal
Hargeysa:Oct,14,2014(SDN/QJ)-Shirguddoonka Golaha Guurtida Somaliland, ayaa saaka hakiyey Xeerka Diiwaangelinta Madaniga ah iyo Codbixiyayaasha oo dhawaan Golaha Wakiilladu cod aqlabiyad ah ku meel mariyeen.
Shirguddoonka Golaha ayaa saaka fadhigoodii caadiga ahaa ku wargeliyey mudanayaasha Golahaas ku wargeliyey inay iyo inay Go’aansadeen inay hakiyaan xeerkan, iyagoo ku andacadooday inuu xeerku ahaa mid xaasaasi ah, isla-markaana lagu arkay waxyaabo is khilaafsan oo u baahan in Golaha wakiillada wax laga weydiiyo.
Sidoo kale waxa uu Shirguddoonku Golaha ku wargeliyey inay galeen fasax 45-cisho ah, kaas oo marka laga soo noqdo gudo geli doona ansaxinta iyo lafogurka xeerkan, waxana arrintaas ka biyo diiday mudanayaal badan oo doonayey in xeerka dooddiisa la gudo galo.
Arrintan ayaa keeni karta inay Doorashooyinka soo socda ee loogu talo galay inay dhacaan sanadka 2015-ka laga hirgeliyo Somaliland.
SDN/QJ