|

Madaxweynaha Awoodda Badan Ee W/Kuriya Oo Afartan Cisho Kadib Fagaare Lagu Arkay

Pyongyang:Oct,14,2014(SDN/QJ)-Madaxweynaha Awoodda Badan ee hoggaamiya Dalka Waqooyiga Kuriya Kim Jong Un oo aan muddo afartan maalmood ah la arkin ayaa kasoo muuqday Goob fagaare ah.

kimMadaxweynaha ayaa la sheegay inuu kasoo muuqday meel ka baxsan caasimadda isagoo kula shiraya saraakiil katirsan ciidamada, waxana aragtidani ay meesha ka saartay shaki laga qabay caafimaadkiisa.

Warbaahinta Dalkaasi ayaa hadal hayay in Madaxweynaha laga waayay xafiiskiisa mudo 40-cisho kabadan taasi oo su’aalo badan leyska weydiiyay.

Madaxweynahan dhallinyarada ah ayaa muddo afar sano ah xilka waddankiisa hayey, waxana cabsi laga muujiyey sida qalafsan ee uu dalka u maamulo, iyadoo lagu tilmaamo nin kasii adayg badan gacantii birta ahayd ee aabihii ku hoggaamin jirey dalka, balse ay haysato khibrad yaraani.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed