Chine Oo Taariikh Cusub Dunida Ka Dhigay Markii ay Noqdeen Dalka Caalamka Ugu Dhaqaalaha Fiican
Beijing:Oct,14,2014(SDN/QJ)-Dalka Chine ayaa adduunweynaha taariikh cusub u sameeyey, kadib markii uu kaalinta koowaad ka galay dhaqaalaha dunida ee Xilligan.
Chine ayaa ilaa iyo sanadkii 1872-kii dalka Maraykanka ka qaadday Kaalinta Koowaad ee dhaqaalaha dunida, waxana warbixintaas soo saartay Ha’yadda Lacagta dunida u qaabilsan ee IMF.
Maraykanku waxa uu ahaa waddanka hoggaanka u haya dhaqaalaha adduunka, isagoo sannadkii 1872 kaga guulaystay dalka Ingiriiska, wixii ka dambeeyeyna aan cidi ka qaadin, balse waqtigan waxa uu ku soo dhacay kaalinta 2aad.
Warbixin xisaabeed hay’adda IMF soo saartay sannadkan waxay iftiimisay in dalka Shiinaha dhaqaalihiisu kor u kacay noqdayna £11trillion lacagta Ingiriiska, halka Maraykaku uu noqday £10.8trillion.
Shiinaha oo dhaqaalihiisu xawli aad u sarreeya tobanaankii sanno ee u dambeeyey ku socday waxa uu horumar ka sameeyey xagga shirkadaha wax-soo-saarka, taasoo keentay inuu hoggaanka u qabto dhaqalaha adduunka, waxaanay hay’adda IMF sheegtay in sannadka 2019 uu gaadhi doono dhaqaalaha Shiinuhu £16.7trillion oo lacagta Ingiriiska ah, taasoo sabab u noqon doonta inuu 20% xagga dhaqaalaha kaga sarreeyo Maraykanka oo isaga lagu sadaaliyey inuu sannadkaas gaadhi doono £13.8trillion.
Waxay khubarada dhaqaaluhu la yaabeen in si fudud muddo haatan laga Joogo 150 sannadood dalka Maraykanka lagaga guulaysto hoggaaminta dhaqaalaha adduunka.
Shiinuhu wuxuu soddonkii sanno ee u dambeeyey ku sii socday dhaqaale koboc xagga warshadaha ah, iyadoo caalamka kale ay ka jirto dhaqaale burbur aad u baahsan, sababtoo ah waxa dalka ka jira shirkado aad u badan oo alaabaha ay soo saraan bariga dhexe iyo caalamka kaleba loo iib-geeyo.
Madaxa Dhaqaalaha ee IMF Olivier Blanchard, ayaa walaac ka muujiyey in dhaqaalaha kordhay aanu u kobcin sidii sannadii 2000, gaar ahaan dalalka Maraykanka iyo Ingiriiska ay maaliyadoodu hoos dhac badan ku yimadeen, taasina ay fursad siisay in Shiinuhu koboc dhaqaale la yimaado.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com