|

Shil Dhimasho Iyo Dhaawac Keenay Oo Ka Dhacay Deegaanka Sheekh

Sheekh:Oct,14,2014(SDN/QJ)-Shil gaadhi oo keenay dhimasho iyo dhaawac ayaa shalay galabtii ka dhacay Wadadda u dhaxaysa Magaalooyinka sheikh iyo Burco.

is roSida ay sheegayaan wararka halkaas naga soo gadhayaa waxa Shilkaas gaadhi ku geeriyooday Eebe Ha u Naxariistee Darawalkii hore ee Wasiir Xirsi oo lagu magacaabi jirey Abokor-Gacan oo Maydkiisa la dhigay Cisbitaalka Guud ee Magaalada Burco.

Sidoo kale waxa isaguna dhaawac Culus qaba Mudane ka tirsan Wakiillada somaliland oo lagu magacaabo Xildhibaan Maxamed Jaamac Guure, kaas oo dhaawaciisa la gaadhsiiyey Cisbitaalka Magaalada Burco oo xaaladiisa lagula tacaalayo.

Shilkan ayaa la sheegaya inuu ka dhashay kadib markii uu Gaadhiga Nimankani wateen uu wadada ka baxay, waxana Halkaas ka dhashay khasaaraha gaadhay inay dhimasho dhacdo.

Wadada u dhaxaysa Burco iyo Sheekh, ayaa kamid ah waddooyinka shilalka Badani ka dhacaan, waxana lagu sababeeyaa qaddarta eebe ka sokow inaaan waddadaas in muddo badan ah wax dayactir ah lagu samaynin.

Maydka marxuumka ayaa la filayaa in maanta halkaas lagu aasi doono, iyadoo xaaladda xildhibaankana si hoose loola socda, isla-markaana haddii ay kasii darto dhinaca Hargeysa loosoo qaadi dooono.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

 

Comments are closed