|

Boqorka Belaha Darod Boqor Burhan Ayaa Casumad Rasmiya Magalada Qardho Ugu Sameyey Raysal Wasaraha Dawlada Federalka Somaliya Cabdiwali

cabdiwalikkkk

Garowe 13/oc/2014( SDN/QJ)Wefdiga Ra’iisul Wasaaraha waxaa kamid ah Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas), Madaxweyne kuxigeenka C/xakiim Camay iyo masuuliyin kale.oo kamida xukuumada madaxwayne cabdi wali iyo waftigii raysal wasaraha dawlada fedaralka ah soomaliya ayaa u anbobaxay xarunta gobalka karkaar ee qardhoka diba markii ay casumaad rasmi ah uu ka heleen Boqorka Beelaha Daarood Boqor Burhaan Boqor Muuse.
Magaalada Qardho ayaa si weyn looga dareemaya qaban qaabada soo dhoweynta Ra’iisul Wasaare Cabdiweli Sheikh, waxaana la filaaya in isla galabta uu dib uga soo laabto.
Dhinaca kale waxaa la filaaya in magaalada Garoowe ay galabta ka dhacdo munaasabad lagu dhawaaqi doono qodobada ay ku heshiiyeen Dowladda Federaalka iyo Puntland oo saddexdii maalmood lasoo dhaafay wada hadalo u socdeen oo xalay heshiis laga gaaray.

Garowe SDN/QJ

Concat@Somaldiasporanews.com

Comments are closed