Akhri Toban Waxyaabood Oo Reer Baraawe Ka Nasteen Al-shabaab Kadib
Barawe:Oct,13,2014(SDN/QJ)-Muddadii Lixda Sano iyo dheeraadka ahayd ee Ururka Al-Shabaab gacanta ku hayeen Magaalada Barawe, waxa dadka halkaas ku nooli qabatimeen dhaqanno ay dhibsan jireen oo lagu soo rogay.
Dhammaanba dhaqamadii ay reer Barawe shabaabka kala kulmi jireen dhammantood waa soo gunaanadmeen, waxana waxyaabaha dadka maankooda kasii dhex guuxaya kamid ah Tobankan waaxyaabood oo dhammaantood haatan gunaanadmay:
1.Hortaada fiiri waa ka nasteen:Waxaa ay jireen fiirin ama eegi jireen oo kaliya hortooda, ma awoodin in ay fiiriyaan gawaarida ay wataan horjoogayasha shabaab ajnabi ama Soomali, sidoo kale maleeshiyaadka jidka socda sidoo kale ma fiirin karin, Waxayna qaateen nidaamka la yiraahdo Hortaada fiiri si aad u badbaaddo, haddi ay fiiriyaana waxa ay la kulmi jireen ciqaab adag oo lagula fuliyo jidka isla markiiba, ama loo taxaabo xabsi aan la ogeyn xiliga uu dhamaanaayo,
2.Soo Baxa oo fiirsada Toogasho waa ka nasteen:Waxyaabah kale oo ay aadka uga nasteen waxaa ka mid ah soo baxa maanta Waxasaa jira Toogasho jawaasiis, “waxaan dareemi jiray murugo markaan maqlo Micrifonka lagu naadinaayo galabta ha la soo baxo, Waxana iska sii ogaa in aan daawan doono dil aanan ogeyn halka lagu soo xukumay iyo waxa uu galabsaday” sidaa waxaa yidhi wiil dhalinyaro ah oo degan baraawe oo magaciisa iigu sheegay maxamed yare.
3.Dishkaaga soo deji mana fiirsan kartid :waa laga nastay
Waxaa laga mamnuucay dishashka laga fiirsado Tv-yada, Waxey muddo badan aanay ogeyn waxa ka socda dalka iyo dibadda, taasna hadda waa ka nasteen oo ganacsiga ugu fiican hadda baraawe waa iibinta dishka, waxa sidoo kale aad u mashquulay dhallinta ku shaqaysata farsamada saaridda dishka iyo hagaajintooda.
4.Smart phon ma qaadin kartid Waa ka nasteen:Reer baraawe waxaa loo diiday telefonada loo yaqaano Smart phons, Waa loo diiday waana lagu adkeeyay si ka daran goob kasta oo kale oo ay shabaab xukumaan maadaama ay baraawe aheyd caasimadda Maleeshiyaadka shabaab oo inta badan ay joogeen horjoogayaal muhiim u ahaa,
5.Internet la’aan iyo contarool adag waa ka nasteen:Waxaa sidoo kale baraawe dib looga helay internet sida qofku uu doono u isticmaali karo, Waxaa jiray tahdiid iyo caga jugleyn joogto ah oo ay qabeen reer baraawe marka ay isku dayaan in ay isticmaalaan khadka internetka waxayna la kulmi jireen kontarool culus, taasna maanta waa laga soo kabanayaa oo waxaa bilowday xidhiidhka ehelada iyo asxaab muddo aan isla xidhiidhin.
6.Zeko qasab ah oo aan dhamaan waa ka nasteen:Sidoo kale waxaa laga nastay Zeko aan waqti laheyn oo joogto ah iyo boob habeysan oo ay ku kici jireen maleshiyaadka shabaab ee xoogga ku heystay baraawe,
7.Gabdho loo guuriyo rag aysan magacooda iyo luqadooda aqoon:Waxa laga nastay sidoo kale gabdho si qasab ah loogu guuriyo dad aysan aqoon xagga dabciga, dhaqanka, luqadda oo aysan aqoon halka ay ka yimaadeen raga guursanaya, dalka ay u dhasheen, magacooda oo run ah, looma sheegi jirin gabdhahaas haddi ay baxayaan halka ay aadayaan, sidoo kale looma sheegeyn xataa haddi ay dhintaan ama ay fogaadaan,
8.Codkii idaacada Andulus-na waa ka nasteen:Waxay ka nasteen Reer baraawe codka idaacadda shabaab iyo wariyaashi afka adkaa ee ka hadli jiray, oo ay mar kasta ka maqli jireen colaad, takfiirin, naxaris darro hanadaaad, iyo hurinta colaado baqdin gelinaya reer baraawe oo ah dad nabadeed.
9.Telefonada maanta waa la damiye Waa ka naasteen:Xiliyada qaar waa baraawe laga ogaan jiray in la damiye telefonada shirkada isgaadhsiinta, reer baraawe ma ogeyn sababtaas, talo kuma laheyn, mana ogaan jirin xataa xiliga la soo furi doono telefonada,
1.Bandow ayaa magaalada ka jira lamina soo bixi karo waa ka nasteen:Xiliyada qaar dadka degan degmada baraawe waxay la kulmi jireen bandow adag oo waqti badan socda, suuqa lama aadi karo ganacsi lama furi karo, meel kale ma loo safri karo, sababta lama oga xiliga la qaadi doona lama oga, waxay dareemi jireen wel wel culus.
Dhammaan arrimahaas oo dhami waxa ay soo afjarmeen markii ay dawladda federalka Somalia gacanta ku dhigtay deegaankaas, waxana ay dadku haatan dareemayaan xorriyad xad dhaaf ah oo aanay muddo badan arkin.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com