|

Halyeygii Feedhka Miisaanka Culus ee Maxamed Cali Kalay Oo Xaalkiisu Meel Xun Marayo

Dallas:Oct,13,2014(SDN/QJ)-Feedyahankii Dunida caanka ka ahaa ee qaatay diinta Islaamka Maxamed Cali Kalay oo u dhashay dalka Maraykanka, ayaa xaaladiisa caafimaad si weyn looga dayrinayaa.

kaalMaxamed Cali Kalaay oo ka hor intii aanu diinta islaamka qadanin magaciisa la odhan jiray Cassius Marcellus Clay Jr,isla-markaana caan ku aha afmiishaarnimo iyo dhiirranaan badan, ayaa in muddo ah la tacaalayey xanuun asiibay oo dhaqdhaqaaq u diiday.

Qaarka mid ah qoyskiisa ayaa warbaahinta u sheegay inaanu maxamed cali Xataa Karin inuu hadlo oo dadka nolosha la wadaago.

Halyeygii feedhka, oo haatan 72 jir ah, isla markaana la legdamaya cudurka dila unugyada maskaxda ee Parkinson’s disease oo sanado hayay, ayaa haatan guriga kusoo ururay.

Wuxuuna walaacu sii kordhay kagadaal markii uu todobaadkan ka baaqday ka qaybgalka munaasabad lagusoo bandhigayay filim laga sameeyay taariikh-nololeedkiisa todobaadkii tegey, isagoo aan sidoo kale ka qayb qaadan duubistiisa.

Mar uu ka hadlayay film-kan oo la yidhaahdo ”I Am Ali in Hollywood” ama waxaan ahay Caliga Hollywood, ayuu walaalkii Rahman, 71 jir, wuxuu u sheegay warsidaha the Sunday People: “Arrintan walaalkay kalama hadli karo, maxaa wacay wuu bukaa.”.

“Si wanaagsan uma hadli karo. Balse wuu ku faanayaa inaanu halkan dartii u joogno. Film-kana wuu amaanay.”ayuu hadalkiisa sii raaciyey.

Film-kan ayaa diirrada saaraya nolosha feedhyahankan burjuwaasiga ah oo 3 jeer noqday horyaalka feedhka miisaanka culus ee adduunka.

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed