|

Qofkii u Horeeyay ee Ku eedaysan inuu Been abuuray Qoraalada Shirkadaha Shidaal baadhista oo Dacwadiisu Maxkamada Gobolka Hargaysa ka Socoto

Hargaysa 13.Oct 2014 (SDN/QJ)- Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex ayaa bilwaday dhegeysiga dacwad ciqaab ah(criminal casse)oo xeer-ilaalintu ku soo oogtay   Mr Cabdiwahaab Axmed Yaasiin Gabayxadi.

Maxkamada HargaysaMaxkamada ayaa guda gashay dhegeysiga dacwadan maalintii khamiista 9/10/2014 ka dib markii xafiiska xeer-ilaalinta gobolku ku soo oogay Mr Cabdiwahaab Axmed Yaasiin eed ah inuu beeb-abuur (forgery) ku sameeyay dokomentiyo la xidhiidha heshiisyada shidaal baadhista ee Balooga Odweyne.

Maxkamada Gobolka ayaa hore u xidhay Mr Cabdiwahaab ka dib markii ay sidaa ka codsatay Qaybta Baadhista Denbiyada si loogu soo oogo dacwada uu ku eedaysan yahay.

Dhegeysiga Dacwadan ayaa ah mid dadweynaha u furan,isla markaana waxa la filayaa in fadhiyada danbe ee Maxkamadu maalmaha soo socda halkaa ka sii socon doonaan.

Hargaysa SDN/QJ

contact@qurbejoog.com

 

Comments are closed