Akhri Kiisaska Cudurka Ebola Oo Laga Helay Addis Ababa iyo Tirada Oo Kor Usii Socota
Addis Ababa:Oct,12,2014(SDN/QJ)-Astaamo dhakhaariirta caafimaadku aaminsan yihiin inay yihiin kuwii Cudurka Ebolaha ayaa lagu arkay diblomaasi kasoo jeeda Dalalka Galbeedka Afrika oo ku sugan Magaalada Addis ababa.
Sidoo kale saddex qof oo kale oo astaamaha cudurkan lagu arkay ayaa la dhigay Cisbitaalka Black Lion Hospital, waxana lagu sheegay Astaamo ay kamid yihiin Xumad Dhiig-bax badan.
Dhakhaatiirta Cisbitaalka Black Lion Hospital oo si taxadar leh u hadlay xaasaasiyada cudurkani leeyahay dartii iyo baqdin ay xukuumadda ka qabaan, ayaa xaqiijiyey inay Bukaanadan ku arkeen astaamihii Ebolaha oo cadaan ah.
Badqabka Hawlwadeenada Cisbitaalkaalkaas iyo Bukaanadii ayaan la garanayn sida loola tacaali doono, waxana la is weydiinayaa wali sida ay Hawlihu u socon doonaan.
Hawlwadeenada Black Lions hospital , ayaa laga xayiray inay wax war ah bixiyaan, iyagoo ka cabsanaya xadhig iyo haddidaad kaga timaadda dhinaca Dawladda, iyadoo qof ay soo xiganayso jariirada Hara ee Ehtioa uu sidan hadalkiisa u dhigay, “Ilaa iyo Dawladdu ay tallaabo qaaddo oo shaaciso inay dadku difaac ka galaan Ebola, ma aha Wax Fudud in la iskaga dhawaaqo inuu Cudurku dillaacay.”
SDN/QJ