Mombassa Oo Kooxo Aan La Garanayni Ku Laayeen Askar Katirsan Ciidamada Ammaanka
Mombassa:Oct,12,2014(SDN/QJ)-Magaalo xeebeedda Mombassa, ayaa waxa Habeenkii xalay lagu dilay askari katirsan Boliska Waddanka Kenya, sida uu qorayWargeyska The Saturday Nation ee ka soo baxa magaalladda Nairbi.
Goobjoogayaal ayaa sheegay in ay labo dhallinyarro oo wadatay mooto toogteen Askarigaasi oo la odhan jirey Simon Chelugho, kaasi oo ilaalo ka hayey duleedka Hotelka Royal Court Hotel ee magaalladda Mombasa.
Raggii weerarka geystay ayaa la sheegay inay baxsadeen, isla markii ay tacshiiradda huwiyeen Askarigaasi oo isla goobtaasi ku geeriyooday.
Goobjoogayaal ayaa sheegay in ilaa 7 xabbadood lagu dhuftay Askariga oo watay qoriga nooca AK 47.
Dhinaca kale, Afhayeenka Boliska, Mascuud Mwinyi ayaa sheegay inay bilaabeen baadhitaan lagu soo qabanayo kooxihii ka dambeeyey weerarkaasi.
Dorraad waxa deegaanka Xeebta lagu afduubay Gawaadhi iyo dadkii saarnaa, waxana la sheegayaa in loola kacay dhinaca Somalia, iyadoo aan ilaa iyo haddan wax war ah laga haynin meel ay jaan iyo cidhib dhigeen dadkaasi.
Tallaabooyinka noocaas oo kale ah ayaa waxa gudaha dalka Kenya hore uga fulin jirey Xubnaha kooxda Al-shabaab, balse muddooyinkii ugu dambeeyey wax weerarro ah kama ay fulin Kenya, maadaama la aaminsan yahay in la wiiqay awooddoodii.
SDN/QJ