|

Ehelka Dhalay Haweenaydii Dhawaan Weerartay Kooxda Daacish Oo Cambaareeyey Tallaabada Gabadhoodu Qaaday

Dubai:Oct,01,2014(SDN/QJ)-Ehelka Dhaw ee Haweenaydii dhawaan Weerarka ku qaadday Xarumo Kooxda Daacish ku lahaayeen Dalalka ciraaq iyo Syria, ayaa cambaareeyey Weerarka Haweenaydani ku lug yeelatay.

masuuHaweenaydan oo magaceeda lagu sheegay  Major Maryan Al-Mansuuri, ayaa wade ka ahayd diyaar dagaal oo weerartay kooxda Daacish, waxana warkeeda si weyn u ammaanayey Warbaahinta iyo madaxda kala duwan ee reer Galbeedka.

Qoyska Al-Mansuuri ayaa arin laga xumaado ku tilmaamay weerarka gabadhooda ay ka qeyb-qaadatay,waxayna sheegeen inay wasaqeeysay sharaftii Reer Al-Mansuuri ku lahaayeen gudaha Imaraadka-Carabta.

Warsaxafaadeed Qoyska gabadhan soo saareen ayaa Dawladda Imaaraadka-Carabta diiday Joorlaanadda Gulfnews iyo Khaleejtimes oo War-murtiyeedka helay inay soo daabacaan,iyagoo looga digay in albaabadda la isugu dhufanayo hadii ay warka Qoyska mucaaradsan Major Maryam ay soo daabacaan.

Joornaalka Dailmail oo ka mid ah Wargeysyadda Ingiriiska ugu caansan ayaa soo daabacay Warbixinta Qoyska,iyagoo cinwaanka bogooda hore ku soo daabacay erayo ay ka mid yihiin(Arab woman pilot who is poster girl for Gulf states’ blitz on ISIS is ‘disowned by her family(Gabadh Carab Duuliye ah oo Khaliijka ka tirsan oo Qoyskeedii ka horyimaadeen).

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed