Xisbiga Waddani oo Xukuumada ku dhaliilay inay Afka ka Xidhatay dhawaq uu Madaxweynaha Somalia ku kala dhantaalay Midnimada Dhuleed ee Somaliland DAAWO
Hargaysa 24.Sep 2014 (SDN/QJ)- Hogaanka Sare ee Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI ayaa Shir Jaraa’id oo ay Maanta ku qabteen Xaruntooda Waxay Si adag uga Jawaabeen Hadal ka soo yeedhay Madaxweynaha Dawlada Somalia Xasan Sheekh Maxamud oo Sheegay in Gobolada Sool iyo Sanaag ay ka mid yihiin dawlada federaalka ee uu Maamulo Isla markaana uu Gooni isu taaga Somaliland ku duray.
Gudoomiye ku Xigeenka 1aad ee Xisbiga Waddani Axmed Muumin Seed iyo Xoghayaha Guud ee Xisbigaasi Maxamed C.laahi Uurcade ayaa Xukuumada ku dhaliilay inay Jawaab ka bixin kari weydo dhawaqaas qaranimadeeda lagu kala dhantaalayo.
Hargaysa SDN/QJ
contact@qurbejoog.com