Halkan ka Akhri Qoddobo Hordhac u ah Heshiis Hoose oo Xukuumadda Siilaanyo iyo Muj. Cabdiraxmaan Cabdiqaadir Dhex Maray
Hargeysa:Sep,24,2014(SDN/QJ)-Warar Hoose oo ay Helayso Qurbejoog.com, ayaa sheegaya in xukuumada Madaxweyne Siilaanyo iyo Mujaahid cabdiraxmaan Cabdiqaadir oo kamid ah madasha wada-tashiga iyo Toosinta qaranka uu heshiis hoose dhex maray.
Wararku waxa ay intaas ku dareen in heshiisku ka yimi dhinaca xukuumaddda, iyadoo madaxweyne Siilaanyo kooxda ku xeerani ku qancisay inay mujaahidka ku sandulleeyaan inuu ka tanaasulo cayda iyo ceebaynta xukuumadda uu kamidka yahay.
Kulamo hoose ayaa maalmahan hutello hargeysa Gudaheeda ku yaalla uga socday Muj. Cabdiraxmaan Cabdiqaadir iyo wasiirro xukuumadda ka tirsan, waxana la sheegayaa inuu mujaahidku ku qancay bandhigga dhinaca xukuumadda ka yimi oo ay ugu weyntahay in lagu maamuuso xil wasiirnimo oo degdeg ah.
Qoddobada kale oo mujaahidka lagu qanciyey ayaa la sheegayaa inay kamid yihiin in qoyska uu kasoo jeeda oo abaal-ka-dhac badan ka tirsanaya xukuumadda la siiyo wixii ay xukuumadda iyo xisbiga kulmiye xaqa ugu lahaayeen.
Madaxweyne siilaanyo ayaa isagu dhinaciisa la sheegayaa inuu ballanqaaday inuu isku shaandhayn uu dhawaanahan samayn doono kusoo dari doono mujaahidka, iyadoo aan wali lagu heshiinin xilka la siin doono.
Wada Hadalka ayaa la sheegayaa inay marayaan meel bilow ah, waxana la filayaa inay horumar badan samayn doonaan maalmaha soo socda.
Xafiiltan ba’an ayaa dhexyaallay xukuumadda iyo Mujaahid Cabdiraxmaan Cabdiqaadir, waxana ay gaadhay in mujaahid gacanta loola tago oo waxyeelo laga gaadhsiiyo meelo uu hore dhaawac uga qabay.
SDN/QJ
timo@qurbejoog.com
Contact@somalidiasporanews.com