|

Somali Women’s Circle Network: Nagala qayb gal ololaha “Duco Nabad Doon” ee Soomaaliya

Ottawa Sept 24,2014(SDN/QJ)-Ururka Somali Women’s Circle Network ayaa baaq ay soo saareen waxa ay shicibka Soomaaliyeed uga codsadeen in ay gacan ka siiyaan “Duco nabad doon” oo Soomaaliya ay u qabanayaan,qoraal arinkaa ku saabsan oo ay haweenku na soo gaarsiiyeen ayaa sidan u dhigan;

Haddaad tahay Somali Wadani ah, ama saaxiib Somalia, naga aqbal codsigaan, oo nagala qaybgal ololaha loogu Ilaah baryayo umadda Soomalia oon ugu yeernay “Nabad Doon ka Soomaliya ” ama (prayer for peace in Somalia)”.
Dhaqan ahaan, markii uu roobku soo daaho, Soomalidu waxay sameeystaan “Roob Doon” oo Ilaah baryan.  Surat Nuux 71: Ayaat  10 – 11 “ Waxaan ku iri Eebihiin dambi dhaaf weydiista waa dambi dhaaf badanee. Cirana Roob badan ha idiinka Keenee”

Maadaama Soomaliya nabaddii ka soo daahday, waxaan rabnaa dhamaanteen in aan u istaagno oo ka qayb galno duco nabad doon. Waqtiga ololuhu wuxuu bilaabaanaya maanta oo ah Jimce September 19, 2014, ducadana waxaa la qatimaya Maalinta salaada Ciid Adha ee Xajka la taagan yahay, Octobar 4, 2014.  Xusuusta: Waxaa nagu soo aadan 10 kii cisho ee Dul Hajjah (oo u dhow in Khammis ay bilaaban doonto ilaa maalinta Arafah- maalinta ka horeeysa Eid Al_Adha)..

Inta ka horeeysa waqtigaas, waxaan rabnaa in aad nala bilowdaan baraarujinta shicibka adoo/idinkoo adeegsanaya qorshahaad rabtan. Fadlan gaarsii ololahan meelaha la isugu yimaado sida guryaha, masjidayada, iskoolada, iyo baraha wararka (social media), kuna booriya duco guud oo ah in “Ilaah Wadanka Soomaliyo nabad dhaqso ah u hibeeyo.”  Cidi kaama xigto. Waa ololoheena. Waa istaahilnaa Nabad iyo barwaaqo ku noolaasho, waana xaq.
Fadlan fariintaan la qaybso asaxaabtaada iyo bulshada kugu hareereysan oo ku war galiya ololahaan duco iyo Alle u noqosho.
Sura Baqara, Ayada 186. Ilaah wuxuu leeyahay “Waan idiin dhawahay, waana ka aqbalaa ducada kuwa I waydiista”.

“# Duco Nabad Doon, September 19 – Oct 4, 2014”.

Wixii talooyin ah ama hawl ah oo aad u qabataan ololahaan, fadlan nala soo socodsiiya oo nagala soo xiriira:

https://www.facebook.com/pages/Somali-Women-Circle-Network/222962414428330

Somaliwomencirlce@gmail.com; and Idilluul@gmail.com

Comments are closed