|

Maxkamadda Sare ee Ciidamada Qalabka Sida ee Somalia Oo La Magacaabay Guddoomiye Cusub

Muqdisho:Sep,24,2014(SDN/QJ)-Maxkamadda sare ee Ciidamada qalabka sida ee Somalia, ayaa ugu dambayntii loo magacaabay Guddoomiye kadib markii uu Guddoomiyihii hore Mudane tuuryare u dallacay dhinaca Madaxa Sirdoonka Somalia.

yowWareegto kasoo Baxday wasiirka Gaashaandhigga Somalia Maxamed Sheekh Xasan, ayaa waxa uu ku sheegay inuu Gaashaanle sare Liibaan Cali Yarow u magacaabay Guddoomiyaha Maxkamada Sare ee  Ciidamada qalabka sida.

Wareegtada oo shalay soo baxday ayaa u dhignayd sidatan:

Ku G/Sarre Liibaan Cali Yarow

 

Ku G/le Xasan Cali Nuur

 

OG:Xeer-ilaaliyaha Maxkamadda Ciidammada Qalabka Sida.

 

OG:Taliska Ciidammada Xoogga dalka Soomaaliyeed.

 

OG:Taliska Ciidammada Booliska Soomaaliyeed.

 

OG:Taliska ciidamamada Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Soomaaliyeed.

 

OG: Taliska Ciidammada Asluubta Soomaaliyeed.

 

OG: Wasiirka Amniga Qaranka.

 

OG: Wasiirka Garsoorka iyo Arrimaha Destuurka.

 

OG:Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

 

OG: Guddoomiyaha Barlamaanka Federaalka Soomaaliya.

 

OG: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

 

Ujeeddo:- Faah-faahin Xeer madaxweyne.

 

Madaxda  iyo saraakiisha ay sida tooska ah ugu socoto warqaddani iyo oggeynsiintaba, waxaa lagu wargelinayaa sida ku cad lifaaqa oo ah xeer madaxweyne Lam. 56 iyo xeer madaxweyne Lam. 57 ee soo baxay 21/09/2014, oo lagu dallacsiiyey min hal darajo, laguna kala magcaabay sarakiisha soo socota xilalka ku hor qoran waxeyna kala yihiin.

 

1.G/sare Liibaan Cali Yarow oo loo gamacaabay guddoomiyaha Maxkamadda sare ee ciidammada Qalabka Sida ee Soomaaliya.

 

2. G/le Xasan Cali Nuur (Shuute) oo loo magcaabay guddoomiyaha maxkamadda darada 1-aad ee ciidammada Qalabka Sida ee Soomaaliya.

 

Shaqo Wacan

 

Maxamed Sheekh Xasan.

 

Wasiirka Gaashaandhigga

SDN/QJ

timo@qureboog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed