Madaxweynaha Somaliland Oo Qaabilay Wakiilka Norway u Qaabilsan Somalia
Hargeysa:Sep,23,2014(SDN/QJ)-Madaxweyne Siilaanyo ayaa maanta qaabilay wakiilka dalka Norway u qaabilsan somalia Jens Mjaugeal, oo booqasho gaaban ku yimi Magaalada Hargeysa.
Kulanka madaxweynaha iyo Wakiilka oo qasriga madaxtooyada ka dhacay kadib waxa warbaahinta la Hadlay wasiirka arrimaha Dibadda Maxamed Biixi Yoonis, waxana uu sheegay in madaxweynuhu wakiilka ku boorriyey sidii Norway u dardargelin lahayd arrimaha Shidaalka ee shirkado dalkeeda ka tirsani ka wadaan Deegaano Somaliland ka mid ah.
“Norway waxay Khibrad badan u leedahay Arimaha Shidaalka iyo Khayraadka Dabiiciga ah oo ay nagala shaqaynayso sidii ay inoogu dhisi lahayd Awoodda aqooneed ee dhinaca Kaluunka iyo Horumarada kale.waxay wax nagala qabanayaan Wada hadalka naga dhexeeya Somalia sidii uu hore ugu socon lahaa, waxay nagala shaqaynayaan dhinaca Budhcad badeeda, waxaanu doonaynaa inaanu Cilaaqaad buuxa la yeelano Norway” ayuu yidhi Wasiir Maxamed Biixi Yoonis waxaanu u mahadceliyay Weftiga Norway.
Mr. Jens Mjaugeal oo Somaliland ay ugu dambeysay Sanaddii 2007-dii ayaa isna halkaasi ka hadlay, waxaanu sheegay inuu u yimid Somaliland sidii ay u falanqayn lahaayeen dhinacyada ay wax kala qaban karaan. Waxa uu sheegay in Somaliland tahay dal Faqiir ah balse ay jiraan Fursado badan oo horumar oo u baahan in laga faa’iidaysto, haddii aan la helin Hanaan siyaasadeed oo lagu maamulana aanay fursadahaasi suuro galayn in laga faa’iidaysto. Waxa uu sheegay inay diyaar u yihiin horu socodsiinta wada hadalka Somaliland iyo Somalia iyo kala shaqaynta dhinacyada degenaanshaha iyo siyaasadda.
SDN/QJ