|

Wasiir Samaale Oo Tilmaamay in Isfahan Laga Gaadhay Xurguftii Gabiley Ka Taagnayd

Gabiley:Sep,23,2014(SDN/QJ)-Wasiirka Maaliyadda Somaliland Cabdicasiis Maxamed Samaale oo haatan wafti uu kamid yahay ku sugan yihiin Deegaanka Gabiley, ayaa shaaciyey in waxgaradka reer Gabiley lagu qanciyey in si wada jir ah loo dejiyo xaaladda ka dhalatay mudaharaadkii dhawaan Halkaasi ka dhacay ee dhimashada keenay.

ina samaaleWasiirku waxa uu sheegay in lasoo afjaray dareenkii cadhada lahaa ee reer Gabiley ka muujiyeen dilkii saraakiisii ciidanka qaranka ka tirsanayd ee lagu laayey Deegaanka Qoruligud, waxana uu tilmaamay in haatan turxaantii jirtey meesha laga saaray.

Wasiirka Maaliyaddu waxa uu sheegay in Shaqsiyaad aan danaynay danta gobolka ay arrintaas ka faa’iidaysanayeen, balse ay si qurux badan isula fahmeen Odayaasha iyo Madaxda dhaqanka, waxaanu yidhi “Arrintaasi way dhammaaday oo waxay ku dhammaaday dhaymo aanu dhayeyno waxkastoo damqasho ah oo halkaas ka yimid. Waxay ku dhammaatay sida uu Suldaanku sheegay, waxay ku dhammaaday sida uu Wasiirka Arrimaha guduhu sheegay. Waxa sharaf weyn noo ah sida aanu Madax-dhaqmeedka gobolka aanu arrintaas isula fahamnay. waxay ahayd arrin ay cadowga Somaliland doonayeen inay ka faa’iidaystaan, sidii ugu sharafta badnayd ayey ku dhammaatay.

Wasiirro tiro badan oo uu wasiirka Maaliyaddu ku jiro, ayaa loo xilsaaray daminta xiisad  ka taagan Deegaanka Gabiley, waxana dhawaaqani ka dambeeyey dilk shalay ciidanka RRU-du Halkaas ugu geysteen qof reer Gabiley ahaa, kaas oo keenay in dareenka dadku markale cirka isku shareero.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

 

Comments are closed