Odayaashii Gadh-wadeenka ka Ahaa Shirkii Xiingalool Oo Garowe Isku Shubay iyo Hadalkii Wasiir Cadami Oo Hal Bacaad Lagu Lisay Noqday
Garoowe:Sep,23,2014(SDN/QJ)-Waxgaradkii iyo Cuqaashii katirsanaa Beesha Warsangeli ee shirku uga socday Deegaanka Xiingalool ee Bariga Gobolka Sanaag, ayaa shalay isku shubay magaalada Garowe ee Maamulka Puntland, iyadoo Halkaasna si weyn loogu soo dhaweeyey.
Waftiga Garowe ka degay,ayaa waxa hoggaaminayey Suldaanka Guud ee Beelaha Warsangeli Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan Suldaan Maxamuud, waxana si mug leh u soo dhaweeyey madaxweynaha maamulka Puntland Cadbiweli maxamed cali Gaas.
Tallaabadan waxgaradka Warsangeli kaga degeen deegaanada Puntland, ayaa dhirbaaxo weyn ku ah Somaliland, iyadoo horeba shaki looga muujiyey shirka Xiingalool ka socday oo sida haatan soo baxday taladiisu ka dhan ahayd Somaliland.
Wasiirka wasaaradda Gaashaandhigga Somaliland oo deegaankaas kasoo jeeda, isla-markaana hore uga hadlay waxyaabaha shirku daarran yahay, ayaa sheegay in danaha Somaliland lagaga hadlayo oo aanay gacmo shisheeye ku jirin, balse taasi haatan waa Beenowday oo shirkii dadkii gacanta ku hayey waxa joogaan gudaha Puntland.
Wasiir Cadami ayaa hore u shaaciyey inaanay dhici doonin in natiijada shirku noqoto mid Somaliland liddi ku ah, isagoo tilamaamay in lagu heshiiyey inaan siyaasadda lagu soo hadal qaadin, balse arrimaha dhaqanka oo aan dhinacna loo dhaafin.
Wasiirka Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda Cali Jaamac faarax Buureed oo isagu hore uga Hadlay natiijada shirkaas, ayaa sheegay inuu shirku yahay mid danaha Somaliland ka dhan ah, waxase hadalkiisa deedafeeyey wasiir cadami oo wax aan jirin shirk aka sheegay.
Dabada markii suldaanka iyo waftiga uu Hoggaaminayaa ay garoowe tageen, ayaa waxa hadal soo dhaweyn ah u jeediyey Madaxweynaha Puntland Cabdiweli gaas, waxana uu sheegay inuu suldaanku yimi gurigiisii,
“Farxad weyn ayay nootahay In Suldaan Siciid uu Maanta igu soo booqdo xafiiskayga isaga iyo waftiga balaaran ee uu hogaaminayo, ma aanan kala maqnayn ee waan wada joognay qalbigayaga iyo niyadayaduna waa wada joogeen. Suldaan Soo dhawoow Garoowe gurigaagi weeye, Madaxda shacabka iyo Saraakiisha Gobolkuba way ku soo dhawaynayaan ayuu yidhi Madaxwaynaha Puntland Dr.Cabdiwali Maxamed Cali Gaas .
Suldaanka ayaa isaga laftiisu hawraarsan kusoo dhaweeyey hadalka madaxweynaha, waxana uu sheegay inuu u mahadnaqayo,
“Waftiga na soo dhaweysay oo uu Madaxwaynuhuna Hogaaminayo aad baan uga mahadnaqaya sida wanagsan ee ay noo soo dhaweeyen ”Sidaasi waxaa yiri Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan Suldaan Maxamuud Suldaan Cali Shire Garaad Cawl.
Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan ayaa sidoo kale sheegay inay ajiibeen oo soo dhaweynayaan shirweynihii Beelaha Puntland ee madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiwli Maxamed cali Gaas uu ku baaqay horaantii sanadkan.
SDN/QJ