Somaliland Oo Ku Dhawaaqday In Wada-hadalladii ay La Lahayd Dhiggeeda Somalia ay dhawaan Dib u Bilaabmi Doonaan
Hargeysa:Sep,23,2014(SDN/QJ)-Xukuumadda Somaliland ayaa ka Hadashay halka ay marayso wada-hadalladii u dhexeeyey Somaliland iyo Somalia oo muddooyinkii ugu dambeeyey dubu-dhac badani ku imanayey.
Wasiirka arrimaha Dibadda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis oo ka Hadlay habsanka ku yimi wada-hadallada iyo xilliga rasmiga ah ee loo ballansan yahay inay dib u furmaan wada-hadalladaasi.
Maxamed Biixi waxa uu sheegay in dhawaan la filayo in dib loo bilaabi doono bisha soo socota ee Tobnaad, iyaga ay ka go’an tahay inaanu shirkaasi baaqan
“waad la socotaan oo caqabado badan buu shirkaasi yeeshay, annaguna waxanu jecelahay inuu shirku socdo waanu soconayaa, safiirka turkiga ee aanu la kulanay waxa uu noo sheegay inay bisha October ka dhigaan, ayaamihiise kuma aanu heshiin, waase shir aanu doonayno inuu socdo, waayo sida kaliya ee aanu ku kala tegi karnaa dawladaas xamar waa inagoo wada Hadalna iyo heshiis aynu ku kala tagno.” Ayuu yidhi wasiir Maxamed Biixi Yoonis.
Wasiirku waxa uu sheegay in dunidu xiiso u qabto in shirka la ballaadhiyo oo dawlado badani kasoo qaybgalaan, waxana uu yidhi,
“dad badan oo aanu la kulanay waxa aanu ka codsanay inay kasoo qaybgalaan, waxana aanu ku talo jirnaa inuu shirkani shir ballaadhan noqdo oo uu kor uga kaco halkii ay ka ahayd turkiga, Somalia iyo Somaliland si loo ogaado in labadaa waddan ee wada hadalladu u socdaan inay nabad ku kala tegayaan.”
Wada Hadalladii u socday Somaliland iyo Somalia oo loo ballansanaa inay dib u furmaan badhtamihii sanadkan ayaa waxa ku yimi dibudhac ballaadhan, waxana dhinaca Somalia aan laga haynin xiisaha ay wada hadalladaas u qabto, waxana dhinaceeda ka muuqda jiitan badan iyo diyaargarow la’aan.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com