|

Punt land oo Ka Jawaabtay eedayn uu Madaxweynaha Gal Mudug u Soo Jeediyay oo ku saabsanayd Cuna qabatayn lagu soo rogay Garoomadiisa

Garowe 22.Sep 2014 (SDN/QJ)- Iyadoo Madaxweynaha Maamulka Koonfurta Magaalada Gaalkacyo ee Galmudug Cabdi Xassan Cawaale “Qaybdiid” uu xalay warbaahinta ka sheegay in Dowladda Puntland ay Cunaqabatayn saartay Garoon Diyaaradeed Oo Galmudug ay ka dhisatay Duleedka Koonfureed ee Magaalada Gaalkacyo, ayaa hadalkaasi waxaa ka jawaabay Wasiirka Duulista iyo Hawada iyo Garoomada Puntland Xasan Xaaji Siciid oo sheegay in Puntland aysan Cunaqabatayn iyo xayiraad midna ku soo rogin Gal-mudug.

Wasiirku waxaa uu sheegay in Qaynuunka Caalamiga ah ee Garoomada Diyaaradaha uusan ogolayn meel Garoon Diyaaradeed ku yaallo meel u dhow laga garoon kale laga sameeyo taasina ay keeni karto in diyaaraduhu isku dhacaan, waxaana uu sheegay in Garoonka Galmudug uu u dhow yahay Garoonka C/laahi Yuusuf International Airport, taasina aysan macquul ahayn, balse dowladda Puntland aysan wax dan ah ka lahayn oo aysan iyadu Cunaqabatayn saarin.

“Nidaam baa jira lagu maamulo Garoomada adduunka markaa, waxaa jira wax la yiraahdo Terminal Control Area, oo ah Garoon walba inta uu Controli karo oo awooddiisu ay gaarto oo ay xadidan tahay oo Garoon kale uusan gudaha u soo gali karin, sida Diyaaraduhu meesha ay ku kala wareegayaa si marka ay soo dagayaan aysan madaxa iskula galin, arrintaasaa xadidaysa maahee wax kale oo meesha yaalla ma jiraan” ayuu yiri Wasiirka Duulista Hawada Puntland.

Dhinaca Kale Wasiirka Duulista iyo Hawada Puntland ayaa beeniyey Hadalkii Madaxweyne Cabdi Qaybdiid ee ahaa in shacabka Reer Galmudug dhibaato ay ku qabaan oo lagu waxyeeleeyo Garoonka Diyaaradaha Magaalada Gaalkacyo, taasi oo ku xambaartay in ay Garoon samaystaan.

“Arrimahaas wax ka jiraan ma jiraan, shicibka reer Galmudug si toos ah bay uga dagaan, ugana duulaan, isagaa ka daga cabdi qaybdiid, madaxdaa ka dagta, siyaasiyiintaa ka dagta, cid waliba way ka dagtaa, cid lagu takooro ama si gaar ah loola macaamilaa ma jirto, Hay’adaha Caalamiga ahna waa uga dagaan” ayuu hadalkiisa raaciyey Wasiirku.

Ugu dambayntii hadalka wasiirka Duulista iyo Hawada Puntland Mudane Xasan Xaaji Siciid ayaa imaanayaa iyadoo xalay Laanta Af-soomaaliga ee BBC-da Wareysi uu siiyey Madaxweynaha Galmudug uu ku sheegay in Puntland ay xayiraad saartay Garoon Cusub oo ay Koonfurta Magaalada Gaalkacyo ay  ka dhisteen Maamulka GalMudug.

Garowe SDN/QJ

contact@qurbejoog.com

Comments are closed