Wasiir Cali Buured Hadalkii Xildhiban Cali Bare Si Kulul U Beeniyey Kana Hadlay Ukicintay Xagaa Iyo Putland
Hargeisa(SDN/QJ)Wasiirka Wasaarada Kalluumaysiga Iyo Khayraadka Badaha somaliland Cali Jaamac Buureed ayaa jawaab Kulul ka bixiyay Hadal Kasoo Yeedhay Xildhibaan Cali Maxamed Aadan (Cali-barre) oo ka tirsan mudanayaasha Golaha Wakiillada oo ay kasoo jeedaan Isku Deegaan.
Shir Jaraa’id oo ku qabtay Magaalada hargaysa Ayaa waxa uu waxba Kama jiraan Ku Tilmaamay Hadalka Xildhibaanka Kaas oo ku Sifeeyey Xildhibaanka,Mid isku Diraya Beesha uu kasoo jeedo Iyo Xukuumada.
Waxa uu wasiir Buuree Cadeeyay inuu Xildhibaan Bare inta uu Xilka hayay Aanu ka ag Daahirin Reerka uu kasoo Jeedo iyo Deegaanka ay shirka ku qabsanayeenba,Waxaana uu Ugu Baaqay Inuu U shaqeeyo waxana u qabto Umada iyo shacabka uu matalo.
Sidoo kale waxa uu Ka hadlay
Xildhibaankan Hore Ayaan U arkay Isaga oo wasiiro Hore Cay iyo aflagaado U jeedinaya,Markaas Arintan Xin Galool Ee Uu sheegayo isagu waxba kama oga,Siyaasada somaliland Sida ay u dhan tahay dhamaanteed waxba kama oga,Goobta uu shirku ka socdayna adigu maad joogin anaga ayaa Joognay oo shirka waxa uu ahaa shir Lagu taageersanaa Midnimada somaliland,Manuu ahayn Mid lagaga Soo Hor Jeedo Somaliland.
Waxa uu Wasiirku Xildhibaan Cali Bare ku Tilmaamay Mid aan kasoo Daahirin Intii uu xilka hayay Deegaanka uu kasoo Jeedo,Waxaana uu Wasiirka Sheegay inuu isku Dirayo Deegaanka uu kasoo Jeedo Iyo Xukuumada inta uu xilka hayayba Waxaaan uu yidhi”
“Waligaa Halkii lagaa soo doortay Maad Tagin,Halka ayaad Joogtay 20sanadood,Waxaanad Tahay Rag Xukuumada iyo Deegaanka Fad-qalada ka dhex wada,Sababta oo ah Halkan waxaan idiinku imi Raga Xukuumada ka tirsan oo Doonaya Xukuumada iyo Deegaanka ay kasoo Jeedaa inaanu Wax Xidhiidh ahi ka dhaxayn,Intaas oo dhan ayaad xildhibaan joogtay waxaad u qabatay iyo meel aad shir gaga qayb gashay Lama soo sheegin,Markaas Waxa kuu qurux badan inaad Dadkaaga dhex gasho Oo Aad dalka Dhinaca ka raacdo.
Dhinaca kale waxa uu ka waramay Sida ay isku hayaan Xildhibaan Cali Bare iyo waxa uu eeda ugu soo jeediyay waxaana uu yidhi
Hargeisa SDN/QJ
Maxamed@Qurbejog.com
Concat@somalidiasporanews.com