|

Ganaax Dhan $5-milyan Oo Dusha Laga Saaray Markabkii Isku Daya Inuu Somalia Sharcidarro Kaga Kalluumaysto

Muqdisho:Sep,22,2014(SDN/QJ)-Waxa sii kordhaya tallaabooyinka lagula dagaallamayo Kalluumaysiga sharcidarrada ah ee Xeebaha Somalia lagu Hayo, iyadoo ay dawladda Federalka ahi Toddobaadyadan dardargelisay dagaalkaas ay kula jirto boobka badaha lagu hayo.

kalkeDawladda Somalia oo sida laga wada warqabo dhawaan soo bandhigtay diyaar casri ah oo kalluumaysiga sharcirada ah lagula dagaallamayo, taas oo sawirro ka qaadaysa maraakiibta ku hawllan kaluumaysiga tuuganimada ah, waxana ay haatan shaacisay qaddarka lagu  ganaaxayo cidda arrintaas lagu qabto.

Wasiirka Kalluumeysiga iyo Kheyraadka badda Maxamed Coloow Baroow , ayaa sheegay in sharciga kalluumeysiga dalka ee hada la horgeynaayo Baarlamaanka Soomaaliya uu dhigaayo in shan Milyan oo doollar lagu ganaaxaayo markabkii la arka isaga oo si sharcidaro ah badda Soomaaliya uga kalluumeysanaaya.

Wasiir Baroow, ayaa tilmaamay in hada ay dhamaadeen wixii hore sida uu sheegay islamarkaana dalka uu leeyahay shuruuc caalami ah, maraakiibta iyo doomaha kheyraadka dalka guranaayana aan loo samreyn.

Ganaaxa shanta Milyan ee doolar ayaa wuxuu sheegay inuu ku dhacaayo, iyadoo loo eegaayo hadba baaxada markabka uu la eeg yahay, hadii uu markabka yahay mid weyn, waxaa lagu ganaaxaaya shan Milyan oo doolar, hadii uu yahay mid yarna, waxaa loo eegaya hadba inta uu la eeg yahay.

Hadii ay suurageliso Wasaarada Kalluumeysiga iyo Kheyraadka badda Soomaaliya, sharcigaan ayaa waxa ay arintani noqonaysa tallaabo fiican oo Dowladda Soomaaliya ay u qaaday dhanka Horumarka.

Tan iyo wixii ka dambeeyay, markii ay meesha ka baxday Dowladii dhexe ee dalka Soomaaliya, ayaa badda Soomaaliya iyo dhamaan kheyraadka dalka waxa ay noqdeen kuwa la iska gurto oo maraakiibta Shisheeye ay iska guranayeen kheyraadka faraha badan ee baddeeda dhexyaala, iyadoo aanay jirin cid ka ceshanaysaa.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed