Baro Taariikh-nololeedka Hoggaanka Cusub ee Loo Dhiibay Hay’adda Nabadsugidda Somalia
Muqdisho:Sep,22,2014(SDN/QJ)-Taliyaha Cusub ee haatan loo igmaday Hoggaaminta Hay’adda Nabadsugidda Somalia Korneyl Cabdiraxmaan Maxamed Tuuryare, wuxuu ku dhashay Magaalada Muqdisho, waxbarashadiisa Hoose, Dhexe, Sare ilaa Jaamacad wuxuu ku qaatay gudaha dalka, Takhasus kiisa Master Degree ga ah oo Heshiisyada Caalamiga iyo Security ga (AMNIGA) wuxuu ku soo qaatay dalka Masar, waxaana uu hada diyaarinayaa PHD xidhiidhka Caalamiga ah oo uu hada ku guda jiro.
Sidoo kale Agaasimaha Guud ee cusub ee Hayadda Sirdoonka iyo Nabad sugidda Qaranka Soomaaliyeed mudane Col. Cabdiraxmaan Maxamed Tuuryare, wuxuu ku hadlaa luuqadaha
1. English.
2. Arabic.
3. Luuqada hooyo Somali.
Shaqda Dowladda wuxuu soo bilaabay sanaddii 2004, isagoo soo qabtay xilal kala duwan iyo xarumo kala duwan, wuxuuna ka bilaabay Wasaaradda Dastuurka iyo Federaalka sanaddii 2004, kadibna wuxuu ku biiray Hayadda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka Soomaliyed ilaa uu darajada ciidanka uu ku gaadhay Full Cornel ( Gaashaanle Sare).
Col. Cabdiraxmaan Maxamed Tuuryare, xilalka uu soo qabtay Hay’adda Sirdoonka & Nabad Sugidda Qaranka, ayaa waxaa ka mida.
1-Taliyaha CTU” (Counter Terrorism Unit)
2- Taliyaha Hogaanka Xidhiidhka Dibadda.
3- Taliyaha Hogaanka Baadhista dambiyada
4- Taliyaha Hogaanka Tababarada & Qorsheynta.
Col. Cabdiraxmaan Maxamed Tuuryare, ayaa hada ahaa Guddoomiyaha Maxakamadda Sare ee Ciidamada Qalabka Sida, waxana mudadii uu xilkaas hayey lagu xasuustaa ad adaygii uu u muujiyey xubnihii alshabaab lagu xidhiidhiyey oo uu dhamaantood dil ku wada Xukumay.
Tuuryare waxa ay saaxiib dhaw yihiin madaxweynaha Somalia, waxana uu caan ku yahay nin shaqo badan oo waliba si hawkarnimo ah u guta shaqada uu qaranka u hayo, isagoo waliba dhallinyaro ah oo aan muddobadan shaqada kusoo jirin.
SDN/QJ