Qatar:Wadaad Caan ah Oo Lagu Eedeeyey Xidhiiidh Uu La Leeyahay Ururro Xagjir ah
Doha:Sep,22,2014(SDN/QJ)-Aqoonyahan dhinaca diinta iyo Maaddigaba caalim ku ah oo u dhashay dalka Qatar, ayaa lagu eedeeyey inuu xidhiidh dhaw la leeyahay ururro argagixiso oo ka jira meelo badan oo caalamka ka mid ah.
Wadaadka la tuhmay ayaa magaciisa lagu sheegayCabdulraxmaan Al-Nucaymi, waxana uu madax ka yahay Hay’ad xuquuqda Bani’aadamka u doodda, iyadoo lagu tuhmay inuu dhaqaale ku taageeri jirey urururo reer Galbeedku u arkaan argagixiso, kuwaas oo ka Dagaallama inta udhexeysa dalalka Yaman iyo Syria iyo Ciraq iyo Somaliya.
Warbixinta ayaa xuseysa in Abdul Raxmah uu fadhiyay xarunta websate halkaasina uu dhaqaale uu ugu gudbinjiray dagaalyahanada ay xagga fikirka ka midaysan yihiin.
Abdul Rahman al-Nuaimi,ayaa la sheegay in uu ku suganaa magaalada Doha ee dalka Qadar,Wasaarada Maaliyada Mareykanaka,gaar ahaa waxdeeda Hantidhoorka,ayaa shegtay in eedeysanaha uu bil kasta ku taageerayay dhaqaale gaadha “$2 million (£1.2 million) kooxaha islaamiinta ee ka dagaalada Somaliya,Ciraaq iyo suriya.
Shaqsigan lagu eedeynayo taageerida islaamiyiinta ayaa la sheegay in 60 Sano uu professor ka ahaa at Qatar University.isagoona sidoo kale ahaa madaxweynihii xidhiidhka kubadda cagta ee Qatar Football Association.
Sidoo kale waxda hanti dhoorka mareykanka ayaa sheegtay in Abdul Rahman uu ahmar in AlQaeda suriya la siiyo $600,000 (£366,000),sidoo kale waxaa lagu eedeyay in uu gacan libaaxleh uu ka ciyaaray taageerida faragalintii mareykanka uu ku galay dalka ciraaq sanadkii 2003.
Sidoo kale waxaa uu gacan siiyay xagaagii 2007, laba Islaamiyiinta Soomaaliyeed oo caan ka ahaa dalka Somalia oo tagay dalka Qadar gaar ahaa Magaalada Doha si ay ugu biiraan Al-Qaeda.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com