|

“Dhuxul Xilka Waxa uu Ku Helay Nacaybka Reer Abtigii iyo Dhiiggii Ku Daatay Warkii…….” Muj. Cali Gurey

Hargeysa:Sep,22,2014(SDN/QJ)-Mujaahid Cali Maxamed Yuusuf (Gurey) oo ah Guddoomiye-ku-xigeenka Saddexaad ee Xisbiga Ucid, ayaa saluug ka Muujiyey Meeqaamka ay Bulshada ka joogaan ragga xukuumaddu u dirto daminta arrimaha Halkaas kasoo Cusboonaada.

cali gureyMujaahidka oo war qoraal ah soo dhigay Bartiisa Internet-ka uu ku Leeyahay, ayaa sheegay inaan kooxda Madaxweyne Siilaanyo Gabiley u diray ahayn qaar awood u leh ama wax katari kara shucuurta kacsan ee shacabka reer Gabiley, kuwaas oo ka Gilgishay dhibaatadii ka dhacday Deegaanka Qorilugud oo  loogu Beddelay in qaar kale laga sii laayo.

Mujaahid Cali Gurey oo tilmaan kooban iyo erayo suugaaneed ku cabirey halka uu gaadhsiisan yihiin raga Xukuumada katirsan ee Gabiley,gaadhay waxa uu sitoos ah farta ugu fiiqay Afhayeenka Madaxtooyada oo uu ku tilmaamay in lagu caayayo caqliga Reer Gabiley marka Xukuumadu u wakiilanayso arimaha taagan iyo dhacdooyinkii ka horeeyay,ee dilka Saraakiisha,iyo khasaaraha ka dhashey rasaastii shacabka iyo maatida lala beegsadey muxuu kayidhi Mujaaihd Cali Gurey.

“Ninka loo yaqaan A

“Afku way hud-hudayaa

Hadal buu I leeyahay

Anna waan hor joogaa.

Wax la hado shil bay roon

Wax la helo lib bay mudan

Wax la huro naf baw culus

Wax la hubo wed baa jira..”

“Xishoonmaayaan, Waa waxa iyagoo weliba sheeganaya inay yihiin intii ugu xigtay Gebilay is dhex taagay ee caruurtii ay rasaasta la dhaceen oo maydkoodii iyo dhaawacoodii yaalo yidhi WELIBA NUSASAACIHII AANU KA QAADNAYNA WAA KAA OO WAA 2500$ WADADA CEERIGAABO AYAANU KU CAAWINAY..GEBILAY ANIGA AYAA TACSI IYO XAALBA ISU RAACINAY”Ayuu yidhi Mujaahid Cali.

Waxaanu intaa ku darey “Gebilay ceeb waxa ku ah in Dhuxul,  siyaasi looga dhigo, Iyada lafteeda anigu digasho ayaan u qaadanayaa,xilkana ku helay naceybka reer Abtigii iyo dhiigii ku daatey warkii beenta ahaa ee uu sheegay wakhtigii uu Kulmiye Mucaaridka ahaa”.

Mujaahid Cali Gurey.

 

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed