Rugtii Kowaad ee Boolis oo laga Hirgalinayo Deegaanka Ina Guuxaa ee Degmada Sallaxley DAAWO
Hargaysa 22.Sep 2014 (SDN/QJ) Gudoomiye Ku Xigeenka Gobolka Maroodi Jeex oo ay Weheliyaan Maamulka Golaha Deegaanka ee Degmada Sallaxley ayaa Waxay Dhagax dhigeen Rug Boolis oo laga Hirgalinayo Tuulada Ina Guuxaa oo hoos tagta Degmada Sallaxley Isla markaana Ku Yaala Xadka ay Wadaagaan Somaliland iyo Itoobiya.
Kulan loo sameeyay Dhagax dhigida Xaruntan Boolis ayaa Waxaa ka hadlay Gudoomiye ku Xigeenka Gobolka Maroodi Jeex oo balanqaaday in Marka uu dhismahani dhamaado ay Keeni doonaan Ciidanka Booliska ee ka hawl gali lahaa.
Sidoo kale Maayarka Degmada Sallaxley ayaa isna dhankiisa ka Sheegay in Rugtan Boolis ay Wax badan ka tari doonto la tacaalista fal danbiyeedyada ka dhaca Deegaanka ina Guuxaa.
Hargaysa SDN/QJ
contact@qurbejoog.com