“Amar si toos ah ama si dadban la iisiiyey oo aan diiday ma jiro, xildhibaan aan xidhayna ma jirto markii aan….” Sanbaloolshe
Muqdisho:Sep,21,2014(SDN/QJ)-Cabdilaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe, ayaa markii ugu horraysay ka Hadlay xilka-qaadista uu ku sameeyey ra’isal wasaare Cabidweli oo muran dhalisay.
Mudane salbaloolshe oo u warramay TV-ga Universal, ayaa sheegay inaanu waligii diidin amarro la siiyey, isla-markaana xilka-qaadistiisa dambe ee uu madaxweynuhu sameeyey tahay mid mudan in loo hoggaansanaado.
Waxa uu sheegay inay tahay xilka qaadistiisu mid lagu degdegay oo aan laga tashan, balse loo hoggaansanaan doono,
“waa lagu khasban yahay in lasoo dhaweeyo markii hore isqahqabsigu iyo isska horimaadku waxa uu ka taagnaa dhinaca nidaamka oo u muuqday mid aan laga tashan oo lagu degdegay, aniguna shaksiyan caqabad kuma haynin xilkaqaadistayda, qofkasta oo xil qabtana waa laga qaadaa.” Ayuu yidhi Mudane Salbaloolshe,
Waxa iska diiday eedo hore loogu sheegay oo ay kamid ahaayeen xadhiga xildhibaano Baarlamaanka ka tirsan, isagoo ku adkaystay inuu u hoggaansanaa awaamiirta masuuliyiinta ka sarraysa, waxana uu yidhi,
“amar si toos ah ama si dadban la iisiiyey oo aan diiday ma jiro, xildhibaan aan xidhayna ma jirto markii aan maqlayna si degdeg ah ayaan u sii daayey, arrinka xilka qaadistayduna wuu siyaasadaysnaa mana ahayn wakhti loo baahnaa in go’aan caynkaas ah la qaato, shakhsiyan anigu ma fahansani laakiin waxan dareemay inaan shaag wareegaya aan dhexgalay.”
Waxa uu Sanbaloolshe sheegay in xilka qaadistiisu kusoo beegantay xilli aan loo Baahnayn, maadaama sida uu ku andacoonayo muddada xilka laga qaaday la khaarajiyey ninkii ugu sarreeyey xoogagga Al-shabaab,
“go’aanku waxa uu kusoo aaday xilli dhawaan la dilay hoggaamiyihii shabaab, oo dadka somalida ah iyo gobolkaba u dabaaldegayo dilkiisa oo aniga iyo rag kaleba aanu ku Hawlanayn inaan sii riixno dagaalka ka dhanka ah shabaab, gaar ahaan sidii looga saari lahaa magaalada barawe.” Ayuu hadalkiisa kusoo gebogebeeyey Madaxii hore ee sirdoonka Somalia Sambaloolshe.
SDN/QJ