Kooxda Xuutiyiinta oo Gebi ahaanba Gacanta ku dhigay Telefishankii Dawlada Yemen
Sana 20.Sep 2014 (SDN/QJ)- Dhismaha Telefishinka dawladda Yaman ayaa gubanaya ka dib markii ay madaafiic ku duqeeyeen kooxda shiicada ah ee mucaaradka ah.
Warar laga soo xigtay dadweynaha degan xaafadda uu ku yaallo Dhismaha Telefishinka iyo shaqaalaha TV_gaasi qaarkood ayaa caddeeyey in maanta oo Sabti ahayd uu dab xoogani ka dhex kacay dhismaha Telefishinka iyadoo sadexdii maalmood ee tegayba uu bartilmaameed u ahaa Madaafiic lagu duqaynayey
Muddo todobaado ah oo ay cabashooyin rabshado watay ka dhacayeen Dalka Yemen gaar ahaan magaalada Xarunta ah ee SANCA ayaa hadda waxaa si toos ah u soconaya dagaalo u dhexeeya Kooxaha Xuutiyiinta oo dhinac ah iyo Milateriga dalka oo ay taageerayaan maleeshiyaad Sunniyiin ah oo dhinaca kale ah.
Wararkii goor danbe oo galabta ah ka imanayay dalkaasi waxay sheegayeen in ciidanka difaacaya dhismaha Telefishinku ay ka codsadeen taliskooda sare in la soo gaadhsiiyo taakulo dhanka ciidanka ah, ka dib markii ay dhan kasta iskaga xeereen maleeshiyaadka Xuutiyiintu.
Dhanka kalena afhayeen Caawa u hadlay Kooxda Xuutiyiinta waxa uu sheegay inay Guud ahaanba gacanta ku dhigeen Dhismihii xarunta Telefishanka dawlada ciidamadii halkaas ilaalinayayna ay isu dhiibeen.