Wasiirka Arrimaha Dibada oo Qaabilay Wefti ka Socda dalka Sudan
Hargaysa 21.Sep 2014 (SDN/QJ)-Weft balaadhan oo dalka Sudan ka socda ayaa booqasho ku yimi dalka Somaliand,waxaana Weftiga dalka Sudan ka yimid xaiiskiisa ku qaabilay Wasiirka Arimaha Dibadda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis.
Wasiirka Arrimaha dibadda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis,ayaa sharaxaad ka bixiyay ujeedada socdaalka reer Sudan iyo xubnaha Weftigu qaybaha ay ka kooban yihiin..
“Waxaanu halkan aad iyo aad ugu soo dhaweynaynaa Wefti balaadhan oo ka socda Suudaan oo ah waddan aynu walaalo nahay oo Cilaaqaad wanaagsan inaga dhexeeyo, dadkeena intii u horaysay ee waxbaratayna tacliinta Suudaan ayay ka baratay, aniguna aan imbadan ka shaqaynayay Suudaan.
Dadka Maanta inoo yimid ayaa kala ah la taliyeyaal Ra’isal wasaare, kuwa Madaxweynaha, Culimo awdiin,Suldaano iyo dad kala gedisan oo inoogu yimid sidii ay labada dal Cilaaqaadkooda iskugu soo dhaweyn lahaayeen, aad iyo aadna waan ugu mahadnaqayaa Weftiga halkan inoogu yimid.waxaanu leenahay soo dhawaada, wadanku waa wadankiinii, waxaynu nahay laba wadan oo walaalo ah oo cilaaqaad taariikhi ah leh” ayuu yidhi Wasiir Maxamed Biixi Yoonis.
Hargaysa SDN/QJ
contact@qurbejoog.com