Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Hawraarsan Ku Qaabilay Xilka-qaadistii Madaxii Hore ee Sirdoonka Somalia
Muqdisho:Sep,20,2014(SDN/QJ)-Madaxweynaha Dawladda Federalka Somalia Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa la sheegayaa inuu ugu dambayntii aqbalay Xilka-qaadistii uu dhawaan Ra’isal wasaare Cabdiwelu ku sameeyey Madaxii hore ee Sirdoonka Somalia Cabdilaahi Sanbaloolshe.
Wareegtada uu madaxweynaha ku aqbalay xilka qaadista agaasimihii hay’ada sirdoonka iyo nabad sugida qaranka Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe, ayaa u dhignayn sidatan soo socto:
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud markii uu arkay qodobada 90aad iyo 139 aad ee Dartuurka J.F.S, markii arkay xeer Lr yahay 14 ee soo baxay15 Febraayo 1970 kii kuna saabsanaa dhisamaha Hey’ada Sir-doonka & Nabad-Sugid Qaranka, markii uu tixgeliyey go’aankii golaha wasiirada 18/09/2014, markii uu tixgeliyey qodobka 7aad ee sharciga Lr. 1 ee 3-dii Febraayo 1965 kuna saabsanaa nidaamka xukuumadda,
Laga bilaabo maanta oo ay Taariiqdu tahay 20/09/2014 Madaxweynaha wuxuu xilka Agaasimaha Hey’ada Sir-doonka & Nabad-Sugid Qaranka ka qaaday Mudane Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe.
Wararka ayaa sheegaya in Madaxweynaha uu maalmaha soo socda deg deg uu ku magacaabi doono Agaasimaha cusub ee Hey’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka.
Ilo wareedyada ay heleyso Jowhar.com ayaa warkooda intaa ku daraya in labo xubnood midkood loo wado xilka Agaasimaha Hey’adda Nabadsugida Qaranka kuwaasoo kala ah Taliyaha Nabadsugida Gobolka Banaadir Maxamed Aadan Koofi iyo Gudoomiyaha Maxkamada sare ee Ciidamada Qalabka sida Col. C/raxmaan Tuur-Yare, kaasoo horay u ahaan jiray Sarkaal ka tirsan Hey’adda Nabadsugida.
Madaxweynaha ayaa markii hore ka biya diidanaa habka Golaha Wasiirada u mareen 7-dii bishan ee xil ka qaadista Mr Sanbaloolshe, oo aan aheyn qaab sharci ah, taasoo keentay in mad madow uu soo kala dhex galo isaga iyo Ra’iisul Wasaaraha.
Si kastaba ha ahaatee aqbalaadan ayaa ku soo aaday, iyadoo Baarlamaanka Soomaaliya uu maanta furmayo, iyadoo la hadal haayo mowjado siyaasadeed inuu dalka galo.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com