Afhayeen Dhuxul Oo Dhiigga Xukuumaddu Gabiley Ku Daadisay Dusha Ka Saaray Axsaabta Mucaaridka ah
Hargeysa:Sep,20,2014(SDN/QJ)-Afhayeenka Madaxtooyada somaliland Axmed Saleebaan Dhuxul, ayaa khasaaraha xukuumadda uu ka tirsan yahay ka geysatay Gobolka Gabiley dusha ka saaray hogaamiyayaasha mucaaridka oo uu ku tilmaamay qaar majaro habaabiyey dilka saraakiisha ciidanka qaranka.
Afhayeenka oo ka Hadlay arrinta dilala xukuumaddu ka geysatay deegaankaas maalintii shalay, ayaa sheegay in dilka saraakiisha dadku u mudaharaadeen uu ahaa mid hoggaamiyayaasha mucaaridku ka leexiyeen jidkii uu lahaa, isla-markaana u dhigeen jawi dadka kicin kara.
Dhuxul oo xalay la hadlay qaarkamid ah shabakadaha wararka ayaa sheegay in Musharaxa madaxweynaa ee Xisbiga ucid Jamaal cali xuseen oo hore u sheegay hadallo kicin ah oo uu ku buun buuniyey dilka saraakiishaas, kaas oo uu afhayeenku sheegay in loo dhigay qaab xukuumaddu lug ku lahayd dilkooda.
Afhayeenka madaxtooyada, ayaa sidoo kale Guddoomiyaha xisbiga waddani ku sheegay mid ay afkiisa kasoo burqanayso hadallo dadka iska horkeenaya oo isku dhufasho iyo Necayb abuuraya.
Waxa uu afheenku tilmaamay in dilka ay ciidanka RRU-du ka geysteen deegaanka Gabiley uu yahay mid ay masuuliyaddiisa ay qaadayaan axsaabta mucaaridka ahi, isagoo sababtana ku sheegay inay hadalo khilaaf abuuri kara warbaahinta mariyeen.
Hadalka kasoo yeedhay afhayeenka Madaxtooyada oo dhalasho ahaan kasoo jeeda deegaanka Gabiley, ayaa fajac iyo lama filaan ku noqday shacabka reer Gabiley, waxana ay is weydiinayaan sababta madaxtoyadu uga hadli la’dahay xaqiiqda jirta ee lagu laynayo ubadkooda sida salmiga ah u muujinayey dareenkooda.
Shacabka ku dhaqan deegaanka Gabiley ayaa wali ku jira jawi kacsan, waxana laga cabsi qabaa inay mar labaad abaabulaan mudaharaad kale oo ay kaga cabanayanaan qaabka awoodda xambaarsan ee loola dhaqmay dadka muujinayey dareenkooda la xidhiidha cadhada ka dhalatay dilka Saraakiisha ciidanka.
SDN/QJ
C0ntact@somalidiasporanews.com