|

Ra’iisul Wasaare Cabdiweli oo Furay Shir Caalami ah oo lagu Taageerayo Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya

Muqdisho, 18, September, 2014-(SDN/QJ)- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed ayaa maanta shir caalami ah oo lagu taageerayo Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya ka furay xarunta Lancaster House ee magaalada London. Wafdi heer sare ah oo uu hoggaaminayey Ra’iisul Wasaaraha oo ay ka mid yihiin Wasiirka Difaaca, Wasiirka War-faafinta, La-taliyaha Ammaanka Qaranka, Taliyaha Ciidanka Qaranka iyo saraakiil sarsare oo ka socda Militariga iyo Sirdoonka Soomaaliya ayaa la kulmay wakiillo sarsare oo dhinaca siyaasadda iyo gaashaandhigga ah oo ka socday Boqortooyada Midowday ee UK, UNSOM, AMISOM, Midowga Yurub, IGAD, Burundi, Djibouti, Ethiopia, Kenya, Uganda, Talyaaniga, Isutagga Imaaraadka Carabta, Turkiga iyo Maraykanka.

Kulankan ayaa diiradda lagu saaray xaqiijinta in xal Soomaaliyeed loo heli karo dhibaatada haysata Soomaalida iyadoo taageerada deeq-bixiyayaasha ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya ay kor u qaadday gaaritaanka Soomaaliya oo leh ammaan dhammaystiran oo xirfad ku salaysan.

Markii uu shirka furayey ayaa Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya waxa uu wakiilada shirka ka qaybgelayey xasuusiyey fursadda gaarka ah ee jirta si loola dagaalamo Al-shabaab: “Kulanka maanta waxa uu imanayaa xilli aan haysaanno dardar dhinaca militariga iyo siyaasadda ah. Al-shabaab waxay la kulmayeen dhibaatooyin lixaad leh, marka la eego labada arrimood ee kala ah hawlgalka wada-jirka ah ee haatan aan la wadno AMISOM iyo geeridii Godane. Tani waxay inna tusaysaa fursad gaar ah oo innoo furan.

“Si loo xaqiijiyo in aynu dardartan xejisanno, waxaad maanta arkaysaan aragti dhab ah oo ku salaysan waaqica, taasi oo ku aaddan maxaa taageero ah oo loo baahan yahay imika, iyadoo diiradda la saarayo tobanka Kun iyo sagaalka boqol (10,900) ee askari ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya ee ay oggolaatay Qaramada Midoobey. Waxaad sidoo kale arkaysaan aragtida dhexe iyo tan fog ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya, iyo weliba hay’adaha iyo dhinaca ammaan ee arrintan ku lugta leh – waa in aynu kala mudnaan siinnaa, laakiin waxaa muhiim ah in aynaan isha ka qabsan taageerada ballaaran ee loo baahan yahay. Taageero aan dhammaystirnayn waa mid dadaalkeenna kala qaybinaysa iyadoo iskeedba u ah isha ama halka ay degganaansho-la’aantu ka imanayso.”

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa sidoo kale ka hadlay baahida loo qabo dib-u-heshiisiin siyaasadeed oo la sii wado, waxana uu yiri: “Waxaan sidoo kale maskaxda ku haynnaa in horumar siyaasadeed la samayn karo oo keliya haddii ay jirto dib-u-heshiisiiin dhab ah oo la dhex-dhigo dadka Soomaaliyeed. Xal siyaasadeed oo la sii wado waa mid muhiim ah. Ma aha oo keliya in uu asaasi u yahay nabadda iyo ammaanka ee xilliga fog laakiin waxaa loo baahan yahay xilligan xaadirka ah. Isku-dhafka ciidamada waa mid ka mid ah waxyaalaha mudnaanta sare noo leh, waxanuna natiijo wax-ku-ool ah ka keenaynaa laba iyo tobanka bilood ee soo socda.

SDN/QJ-London

contact@qurbejoog.com

Comments are closed