Xisbiga Waddani oo Canbaareeyay Hadal uu Madaxweyne Siilaanyo ku Sheegay in Wasiir Xirsi uu yahay Wasiirka Wasiiradda
Hargaysa 09.Sep 2014 (SDN/QJ)- ku simaha Gudoomiyah Xisbiga WADDANI ahna Gudoome ku xigeenka 1aad Md.Axmed Muumin Seed ayaa Maanta Jawaab ka Bixiyay Hadal uu Madaxweyne Siilaanyo ku sheegay in Wasiirkiisa Madaxtooyadu uu yahay Wasiirka Wasiirada oo Macnaheedu Noqonayo Kolka la eego Qaab dhismeedka Wadamada Dimuquraadiga ah Raysal Wasaare hasa yeeshee Xisbiga Waddani ayaa sheegay inay arrintaasi tahay Sharci daro iyo Ku Xad Gudub distoor.
Qoraalkan oo Nuqul ka mid ahi soo Gaadhay Shabakada Qurbejoog.com ayaa u dhignaa Sidan:- Somaliland waa dal dimuqraadiyad ku dhisan maadam oo madaxweynaha iyo madax weyne xigeenku si isku mida loo soo doorto oo midna midka kale aanu xilka ka qaadi Karin madaxweyne Ahmed siilaanyowuxuu ku dhawaaqay Ra’iisal wasaare (wasiirka wasiirada) kaas oo aha sharci daro isla markaana xadgudub ku aha dastuurka iyo shauruucada dalaka islamarkaana ka hor imanayasa saami qaysbiga Somaliland ku soo caano maashay
Somaliland waa loo so dhintay maantana waxay tagan tahay in la difaaco oo markale loo dhinto si umada looga kor qaado nidaamka kaligii taliska ah ee wadaadada xagjirka ah lagu wareejiyey
Waxaan bulshada ugu baaqaya in ay codkooda iyo cuudkoodaba ay mideeyaan Xukun qarqooshka ahna iska dulqaadan
Madaxweyne siilaanyo iyo inta ka agdhawi dalkii way burbuiyeen bariga dalaka sidaad wada ogtihiin waxaa dowlad ka samaystay Cali khaliif Galaydh xukumada Siilanyana way ku saaciday, galbeedkana waxa lagu khasbayaa inuu samaysto maamul goboleed aanu rabin.
1. Mar hadii salaadiintoodi la dhaqaysan waayey
2. Madaxwyne ku xigeenkiina xilkisii cid kale loo magacaabay ( wasiira wasiirada)
Madaxweyne siilaanyo iyo qaraabadiisu caqliga dadka ayey ku ciyaarayaan dadka iyo dalkana way kala dirayaan si aan loola xisaabtamin mustaqbalka
Afka carabiga waxaa lagu yidhaa Ra’iisal wasaare ingirsigana Prime minister somlilgana wasiirka wasiirada ama wasiirka koobad sidii madaxweynuhu ka shaaciyayey warbaahinta wuxuu u magacaabay Xirsi xaaji Cali Ra’iisal wasaare sharci daro ah loona baahan yahay in lagula xisaabtamo Madaxweynaha oo baarlamanka shacabka matalaan ku inbiij gareeyaan inta aanay bulshada gaadhin in ay gacanta iskula tagaan.
Madaxweyne cid aqbalaysaana ma jirto madaxweyne , gudoomiye guurtida, iyo Ra’iisalwasaare ilamadeera ah
Somaliland aqbali mayso kumana sii jiri karto qaraabo kiil iyo isku dul noolaansho baal marsan awood qaybsigii soomaliland ku heshiisay ee shirwaynihii ka dhacay boorama
waxaan cod dheer ugu sheegaynaa siilaanyo iyo Saleebaan Maxamuud Aadan gudoomiyaha guurtida oo aan leeyahay ka qabta nimanka calooshooda u shaqaysta yaasha ah ee aad adeerka u tihiin, umada Somaliland idinka waxaan idin leeyahay ku karaamo seegte Hogaaminta Jamhuuriyada Somaliland ee ha aas Qaran seegina Da’daad joogtaa dunuubta ayey iska dhawrtaa ee u tudha dadka iyo dalka aad isu kaashateen dumintiisa ee cabudhinta, Afduubka, Xasilooni darada, ee Cadaalad Darada qaawani Hoyga u noqotay WAAR ILLAHAY IYO ADOOMIHIISA KA BAQA
Md.Axmed Muumin Seed
ku simaha Gudoomiyah Xisbiga WADDANI ahna Gudoome ku xigeenka 1aad