‘’ GODANE’’ DABADII ALSHABAB MAXAA LAGA FILAN KARAA?
Axmed Cabdi aw muxumed “Godane”, oo Al shabaab ugu yeedhi jireen Sheekh Mukhtaar (Abu Zubeyr), wuxuu ahaa mid kamid ah Shaqsiyaad gaadhaya 8 oo Mareykanku si aad ah u baadi doonayay in mudo ah
Waxa uu ahaa Awooda & Maskaxda waday Kooxda Al shabaab, isagoo Mududii Lixda Sano ahayd (2008-2014) uu ka dhigay Kooxda garabka kamid ah Al Qacida waxaana ay noqotay kooxdu Khatar Caalami & mid Gobolba
Intii uu Godane Xukunka hayay, 2012, Al shabaab waxa ay shaacisay inay ku biirtay Urur weynaha Al Qacida, waxaana markaasi wixii ka danbeeyay ay soo jiinteen Indha caalamka maadaamada ay noqdeen Urur ku xidhan al Qacida . oo Dhibaato u gaysan kara Danaha Reer Galbeedka ee Geeska Africa. Gaar ahaan maraykanka Maraykanka
Mareykanka ayaa ku tilmaamay Geerida Godane, “Dhirbaaxo weyn oo ku dhacday Hogaanka & Howlgallada Kooxda Al shabaab, maadaama Ninkii Gadhwadeenka u ahaa ay dileen
Al shabaab waxaa laga dilay Labo Hogaamiye tan iyo 2008, iyo qaar ay igagu dhexdooda iska dileen sida kii baraawe ( Ibraahim Afqaan) waxaana hadda Kooxda soo wajahay Guul darooyin waaweyn, kadib markii ay waayeen Dhul badan oo gacanta ku hayn jireen.
Alshabaab waxa kale oo soo food saaray dib u dhacyo mid milatari iyo mid dhaqaale .mida dhaqaale oo ay ugu wacantahay is ilaalinta naftooda oo kharash badan kaga baxo iyo qoysaska badan ee ay leeyihiin
Waxa gacantooda ka baxay dhul balaadhan oo muhiim ahaa dhaqaala badana ka soo galijiray waxaanay iskugu soo urureen dhul kooban walaw ay saaamayn ku leeyihiin dhul hore looga qabsaday.oo la arko amaradooda oo ka shaqaynayaa.
Waxa laga filankaraa ismiidaamin iyo macangagnimo intii hore ka badan taasi oo ay ugu aar gudayaa hogaamiyahooda ladilay waxaanay bar-tilmaameed ka dhigankaraan cidkasta oo ay u arkaan cadowgooda sida soomaalida, wadamada jaarka ee Kenya, Uganda, iyo maraykanka oo ay beegsadaan danihiisa geeska afrika isaga oo ah ka ay shiishka ku hayaan.
Waxa kale oo jirta fikrad qaldan oo ay aaminsanyihiin madaxada siyaasiinta Somalia taasi oo odhanaysa al shabaab waxa soo dirtay Somaliland balse iska indha tiraya in Somaliland ay dhibaatooyin u gaysteen sida tii 2008 weerarkii madax tooyada iyo meelo kale balse fikirkaas qaldani waxa beeninaya aragtida alshabaab ee ah cida aan la fikirka ahayni waa cadawgayaga waana hubaal oo Somaliland la aragti maaha al shabaab,waxaana la arki doonaa hogaanka cusub ee ay al shabaab doodaray sida uu uga howl galow konfurta Somalia in ay saldhigato iyo in ay sii laba kaclayso waxaanay ku xidhantahay hadba sida ay alshabaab u dhaqanto .
Al shabaab waxa u furan dhowr wado in ay sii wadaan dalgaalka ay hada ku sii wiiqmayaan dalgaalkaa oo sii galaya ku dhufo oo ka dhaqaaq iyo weeraro is miidamin ah
In ay dib u habayn ku sameeyaan siyaasadooda ayna badalaan talaaba kasta oo siyaasadeed mid milatari; mid dhaqaale, iyo mid bulsheedba .
Alshabaab waxa kale oo ay yeelan kartaa qadiyad soomaaliyeed iyo mid wadaniyadeed taasi oo ah inay qeexaan waxa ay kaga duwanyihiin ururada kale ee soomaalida.
Siciid Xasan Ileeye Hargeysa
Email: ileeye202@hotmail.com