|

Ku-xigeenka Nabadsugidda Gobolka Banaadir Oo Qarax Lagu Dhaawacay

Muqdisho:Sep,09,2014(SDN/QJ)-Wararka laga Helayo Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in ku xigeeenka Taliyaha Nabadsugidda Gobolka Banaadir C/fitaax Ibraahin Sabriye Shaaweey uu ku dhaawacmay Qarax Ismiidaamin ah oo Shalay galab lala eegtay.

shaameyQaraxa ayaa lala beegsaday xili uu marayay Aga gaarka Siinka Dheer ee Duleedka Magaalada Muqdisho,waxaana la sheegay in Qaraxa uu dhaawac Fudud ka soo gaadhay.

Gudoomiyaha Gobolka Shabellaha Hoose C/qaadir Maxamed Nuur Siidii ayaa Radio kulmiye u sheegay in Qaraxa Shaaweey lagu weeraray uu ahaa Ismiidaamin islamarkaana Qof ismiidaamiyey oo watay Gaadhi Kaarib ah uu Qaraxa fuliyay.

“Xiliga la Qarxinayay Taliye Kuxigeenka waxaa uu ku howlanaa Gurmadka Dadkii maanta ku dhaawacmay Qaraxii Xaawa Cabdi,Gaadiid dab damis ah ayuu watay Shaaweeyey sidaa ayaa lagu qarxiyay”ayuu yidhi Siidii.

shalay ayey aheyd markii Qarax Ismiidaamin ah lagu weeraray Kolonyo Gaadiid ah oo Ciidamada AMISOM ay wateen oo marayay meel u dhaw isbitaalka Xaawa Cabdi,Qaraxaas oo ugu yaraan 17 Qof ay ku Geeriyoodeen.

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalididasporanews.com

 

Comments are closed