|

Ku Dhawaad Boqol Baasaboor Somali ah Oo Lagu Qabtay Muqdisho Xilli Somaliland lagu soo waday

Muqdisho:Sep,09,2014(SDN/QJ)-Ku dhawaan Boqol Baasaboor oo Somali ah ayaa lagu qabtay Garoonka Aadan cadde maalintii shalay, iyadoo Madaxa Socdaalka Somalia-na uu sheegay in loo waday dhinaca Somaliland.

somali pasTirada Baasaboorrada la qabtay ayaa lagu sheegay inay ahaayeen 92-basaboor, waxana sitay oo lagu qabtay  laba nin, kuwaas oo ku andacooday inay u sideen arday reer Somaliland oo ah waxbarasho ku raadsanaysa.

Taliyaha Waaxda Socdaalka iyo Jinsiyadaha ee Somaliya General C/laahi Gaafow Maxamuud, oo shir jaraa’id ku qabtay Garoonka Aadan Cadde, ayaa sheegay in bassaboorada la qabtay ay isugu jiraan 50 xabo oo nooca cusub ee basaboor Soomaaliga iyo 42 xabo oo noocii hore ah.

Taliyaha ayaa  waxa  uu bidhaamiyay in basabooradan loo waday deegaanada Somaliland, ragga lagu qabtayna ay u sheegeen inay u wadeen arday reer Somaliland ah, si ay dibadaha ugu socdaalaan, sida uu Tilmaamay.

Waxa uu intaa ku daray in raggan ay basabooradu ka soo qaateen Xarunta Safaarada Sudan ay ku lee dahay Magaalada Muqdisho, ha yeeshee ay arrintaasi baadhitaano ku samayn doonaan laamaha ammaanka, wixii ka jiraba.

General C/laahi Gaafow Maxamuud, ayaa hoosta ka xariiqay inay marar badan ku cel celiyeen in sharci daro tahay qaadashada noocii hore ee basaboorka, cid kasta oo lagu qabtana ay Maxkamad soo taaggi doonaan.

Labada nin ee ay iminka gacanta ku hayaan, ayuu sheegay inay ku wareejinayaan hay’adaha ammaanka, si baadhitaano dheeraad ah ay ugu sameeyaan, una soo taaggaan Maxkamad.

General Gaafow, ayaa Soomaalida uga digay qaadashada basaboorkii cagaarka, wuxuuna ku goodiyay in tallaabo adag ay ka qaadi doonaan, shakhsi kastaa oo lagu qabto.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

 

Comments are closed