|

Madaxweynaha oo cambaareeyey is-qarxintii maanta ka dhacday degaanka Xaawa Cabdi

Muqdisho- 08 September 2014- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa cambaareeyey is-qarxintii maanta kooxda arga-gixisada ka geeysatay degaanka Xaawo Cabdi ee duleedka magaalada Muqdisho. qaraxa ayaa lagu dilay laguna dhaawacay dad shacab ah oo aan waxba galabsan.

Madaxweyanaha ayaa yiri “ Inaa Lilaahi wa inaa Ilaahi raajicuun, waxaan tacsi u dirayaa dhammaan qoysaska iyo ehelada intii ku geeriyootay falka arga-gixisada. Waxaana Eebbe uga baryayaa inuu jannadii fardowsa ka waraabiyo, inta dhaawaca ahna waxaan Eebbe uga baryayaa inuu caafimaad deg deg ah siiyo.

“Kooxahan Arga-gixisada ah ayaa caadeystay inay falal argagaxa ah u geystaan dadka shacabka ah. Waxaan leenahay nabad diidku waqtigiina ayaa dhammaaday, waana la kulmi doontaa Ilaahey idinkiisa ciqaabta xanuunka shacabkeennu u geysateen ” ayuu yiri Madaxweynaha.

Dowladda waxaa ka go’an inay la dagaallanto kooxaha arga-gixisada waqtigooda sii dhammaanayo. Waxaana socda howlgaladii kooxahan looga sifeynayey dalka oo dhan.

SDN/QJ-Muqdisho

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed