|

“Waxay ahayd in Wasiirka Xalay Xilka laga qaado Maantana uu Xidhnaado oo Maxkamad la Geeyo” Mas’uul u hadlay Xisbiga Waddani DAAWO

riyo raacHargaysa 09.Sep 2014 (SDN/QJ)- Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani ayaa ka hadlay fal Koox la sheegay inuu Soo Abaabulay Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Cali Maxamed Warancade ay Tacadi ugu gaysteen Weriye Cabdi Sakuur Maxamud Heer sare oo ka mid ah Suxufiyiinta ka hawl gala Somaliland Isla markaana ay qaab afduub ah Magaalada Hargaysa uga Kaxaysteen Iyagoo Mudo dhawr saacadood ah Sifo ka baxsan Sharciga u haystay.

Sida uu Weriyahani Sheegay Kooxdan ayaa Watay Gaadhi GT ah oo uu Leeyahay Wasiir Warancade iyagoo u sheegay inay ku haystaan Maqaal lagu qoray Mareegta Oodweynenews.com

C.rashiid Riyo Raac oo ka Mid ah Saraakiisha Xisbiga Waddani ayaa sheegay inay haboon tahay in Wasiirka Arrimaha Gudaha Xilka laga qaado isla markaana la xidho oo la soo taago maxkamad.

Dhacdada Afduubka Weriyahan ayaa Noqonaysa tii u horaysay ee Nooceeda ah ee ka dhacda Somaliland isla markaana lala Xidhiidho inuu ku lug leeyahay Mas’uulka ugu Sareeya ee Amniga Somaliland .

Hargaysa SDN/QJ

contact@qurbejoog.com

Comments are closed