Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland oo u Kicitimay Imaaraadka oo uu Beri kaga qayb galayo Shir Maalgashi DAAWO
Hargaysa 08.Sep 2014 (SDN/QJ)- Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Mudane C.raxmaan C.laahi Ismaaciil Saylici iyo Wefti uu hogaaminayo ayaa maanta Socdaal Shaqo ugu Kicitimay Dalka Isu taga Imaaraadka Carabta oo ay kaga qayb galayaan Shir Maalgashi.
Madaxweyne Ku Xigeenka oo ay Safarkiisan ku Weheliyaan Wasiirul Dawlaha Wasaaradda Maaliyada Cismaan Saxardiid Cadaani oo ka sii horeeyay iyo Marwada Madaxweyne Xigeenka Raxma Xaaji Muxumed Suldaan.
Shirkan oo Beri Furmi doona Waxaa ka qayb galaya Sideed hogaamiye oo ka Tirsan Qaaradan africa iyadoo Somaliland Marti Sharaf loogu soo Casuumay
Hargaysa SDN/QJ
contact@qurbejoog.com