|

Madaxweyne Axmed Siilaanyo oo Cadeeyay in Wasiirka Madaxtooyadu yahay Wasiirka Wasiiradda DAAWO/DHAGAYSO

Hargaysa 08.Sep 2014 (SDN/QJ)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa markii ugu horreysay shaaciyay awoodda uu dedi jiray ama isagu hore u qarin jiray, balse Bulshadu la socotay ee uu leeyahay ama isaguba siiyey Wasiirka Madaxtooyda Xirsi Cali Xaaji Xasan.

Madaxweyne Siilaanyo waxa uu sheegay inuu Wasiir Xirsi yahay Wasiirka Wasiirrada. “Waxa aad u sharxay ahmiyadda ay diiwaangelintu leedahay Wasiirka Wasiirrada! Markaa, waxaan ILLAAHAY ka rejeynayaa sidaa la idinku faah-faahiyay inaad ka wada hawlgashaan, oo hawshaasi noqoto hawl qaran oo aynu xil iska saarno.” Sidaa ayuu yidih Madaxweynaha Somaliland Axmed-Siilaanyo oo maanta hadal ka jeediyey kulan uu la yeeshay Guddoomiyeyaasha gobollada iyo Maayerrada Magaalooyinka kala duwan ee dalka oo maalmahanba ay Wasaaradda arrimaha gudaha isla eegayeen sida ay diiwaangelinta Muwaaddiniintu uga qabsoomi lahayd dalka inta bishan lagu jiro.

GUJI HALKAN OO MOBILKAAGA KA DHAGAYSO WASIIRKA WASIIRADA IYO SIILAANYO
[peckplayer id=”1″ sound=”http://www.qurbejoog.com/waraysiyo/SiilaanyoXirsi.mp3″]
Hargaysa SDN/QJ

contact@qurbejoog.com

Comments are closed