Maraykanka Oo Duqayn Laxaad Led u Geystay Biyo Xidheeno ku Yaalla Ciraaq
Mousil:Sep,08,2014(SDN/QJ)-Duqaymo culculus oo dhinaca cirka ayey diyaaradaha Dagaalka ee Maraykanku u geysteen maalintii shalay Goobo ka ag dhaw Biyo-xidheeno muhiim ah oo dalka Ciraaq ku yaalla.
Saraakiil u hadashay dowlada Maraykanka ayaa xaqiijiyay duqeyntan ay diyaaradaha Maraykanka qaadeen meel ku dhow biyo xidheenka Xadisa iyadoo laga cabsi qabay in ururka IS qabsadaan biyo xidheenkan.
Waa markii ugu horeysay ee ay dowlada Maraykanka ay weeraro dhinaca cirka ah ku qaado dagaalyahanada IS ee doonaya in ay qabsadaan biyo xidheenkan.
Sarkaal u hadlay dowlada Maraykanka oo diiday in la shaaciyo magaciisa ayaa sheegay in weerarkan uu yimid kadib markii ay dowlada Ciraaq ka codsatay iyo in dowlada Maraykanka ay dooneyso in ay ilaaliso ciidamadeeda iyo qalabkeeda yaal dalka Ciraaq.
Saxafiyiin ku sugan dalka Ciraaq ayaa waxay sheegeen in duqeyntan oo ay qaadeen illaa siddeed dayuuradood lala beegsaday meel u dhexeysa Xadiisa iyo Alqaym kuna dhow xadka dalka Siiriya.
Sidoo kale duqeyntan ayaa waxaa ka qeybqaatay dayuurado helikabtarada ah iyadoo aan la ogeyn qasaaraha ay geysteen duqeynta.
Taleefishinka dalka Ciraaq ayaa sheegay in ciidamada dowlada Ciraaq ay la wareegeen gacan ku haynta magaalada Berwana oo 15km dhinaca Koofureed ka xiga Xadisa ayna ku dileen 15 kamid ah dagaalyahanada ururka IS.
Dowlada Maraykanka iyo dowlada Ciraaq ayaa dadaal ugu jira sidii ay uga horjoogsan lahaayeen xoogaga IS in ay qabsadaan biyo xidheenada waaweyn ee ku yaal dalka Ciraaq.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com