|

Dal Sanad Walba Dib Usoo Saara Dadkiisii Dhintay, una Lebisa Oo Dib u Aasa

Kualalambur:Sep,08,2014(SDN/QJ)-Dalka Indonesia Goobo ka mid ah ayaa waxa ka jira Dhaqan dunidu si weyn uga yaxyaxday oo sanadkiiba hal mar  dib loogu soo saaro dadkii geeriyooday waayo hore.

nadiiDhaqanka caynkaas ah ayaa waxa uu si weyn uga jiraaXaafada bizarre ee dalka Indonesia, waxana halkii sanoba mar loo sameeyaa dadkii geeriyooday Xus Ballaadhan, kaas oo inta lafahooda dib loosoo saaro dhar loo geliyo dibna loo aasayo.

Xaflada ayaa waxa ay inta badan ka dhacdaa halka loo yaqaanno Toraja oo ah koofurta Sulawesi ,Meydadka ayaa marka lasoo bixiyo waxaa lagu tiiriyaa derbiyo iyada oo loo ekeysiinayo shaqsi taagan oo kale iyada oo ugu danbeynna godka lagu celiyo.

Meydadka lasoo fagayo dadka waaweyn oo kaliya maaha ee caruurna waa ku jirtaa sida  ka muuqata muuqaallo badan oo laga soo duubay  dhaqankan.

Sanaadiiqda lagu aaso dadka dhintay ayaa sidoo kale dib looga bedelayaa meydka iyada oo lala aasayo sanduuq cusub.

Xafladan ayaa magaceeda waxaa loo yaqaan “Xaflada Dib u nadiifinta meydadka” waxa ayna dhacdaa sanad kasta bisha Agoust.

Dhaqanka noocan ah ayaa waxa si weyn ula tacajabay shucuubta caalamka ku nool, waxase ay noqotay caado iyo dhaqan dadkaas gaar u ah oo aanay cidina ka hadli Karin.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed