|

“Diiwaangelinta Muwaadiniintu Waa Wax Bilow leh oo aan Dhamaad lahayn,Laakiin Diiwaangelinta Codbixiyuhu Way Mudaysan tahay” Boobe Yuusuf Ducaale DAAWO

boobeHargaysa 08.Sep 2014 (SDN/QJ)- Xukuumada Somaliland iyo Labada Xisbi Mucaarid ayaa isku waafaqi la’a Sidii loo midayn lahaa Labada Diiwaagelineed ee Muwaadinka iyo ta Codbixiyeyaasha.

Aragtida Xukuumada ayaa ah in labada diiwangelinood ay yihiin Kuwo is kaabaya oo ay haboon tahay in isku mar dalka laga wada qabto, Waxayna Golaha Wakiilada u Gudbisay Xeerka qabyo qoraalka ah.

Hasa yeeshee Xisbiyada Mucaaridka ayaa taagan Mawqif dawlada ka Durugsan iyagoo u arka in Diiwaangelinta Muwaadinka ee lagu ladhay ta Codbixiyeyaashu ay dabar ku Yihiin qabsoomida doorashooyinka ku mudaysan inay dalka ka dhacaan Sannadka soo Socda ee 2015 .

Hadaba Wasiirkii hore ee Warfaafinta Somaliland Boobe Yuusuf Ducaale ayaa  ka Hadlay Diwaangalinta Waxaanu  sheegay In diiwaangelinta Muwaadinku aanay lahayd bar dhamaad,Isagoo Tusaale u soo qaatay in Ilmo kasta oo dhasha lagu darayo halka laga jarayo qof kasta oo Geeriyooda  Waxaanu ku dooday in Diiwaangelinta Codbixiyeyashu ay Wakhti ku Xadidan tahay,maadaama Mudo lix bilood ah ka hor doorashada ay waajib tahay in diiwaangelinta Codbixiyeyaasha la helo.

Hargaysa SDN/QJ

contact@qurbejoog.com

 

 

Comments are closed