|

” Runtii Axmed Diiriye (Amiirka Cusub ee Alshabaab) anigu waan aqaan mana ahan mid aqoon duruqsan u leh diinta iyo cilmiga maadiga ah , mana ahan nin sida Godane oo kale” Sh.Yuusuf Indho Cade

Muqdisho 08.Sep 2014 (SDN/QJ)- Sheekh Yuusuf Maxamed Siyaad (Indha Cadde) oo ka tirsan dawladda Soomaaliya,ayaa sheegay in aanu u dhigmin hoggaamiyaha cusub ee ay kooxda Al-Shabaab magacawday  Axmed Cabdi Godane oo dhawaan geeriyooday.

Indha-caddeWaxaa uu Yuusuf Indha cadde tilmaamay in Abuu Cubayd uu yahay nin aan aqoon badan u lahayn diinta Islaamna isla markaana aan lahayn cilmi maadi ah waxaanu meesha ka saaray in uu hoggaamin karo kooxda Al-Shabaab.

” Runtii Axmed Diiriye anigu waan aqaan mana ahan mid aqoon duruqsan u leh diinta iyo cilmiga maadiga ah , mana ahan nin sida Godane oo kale cilmiga ka dhisan , waxa ayna ninkan hada Amiirka Shabaab laga dhigay ay isku famli yihiin Hogaamiyihii la dilay ee Axmed Godane” ayuu yidhi Sheekh Indha Cadde.

Waxaa kale oo uu meesha ka saaray in ay jiri karaan cid  badan oo ka amar qaadata isagoo Indha Cadde ku sababeeyay in uu yahay nin aan awood badan ku  dhex lahayn kooxda Al-Shabaab.

Muqdisho SDN/QJ

contact@qurbejoog.com

 

Comments are closed